Somaliland: Wasiirka Beeraha Oo Ka Warbixiyay Hawl-galadda La Dagaalanka Ayaxa

0
407

Hargaysa (Dawan): Wasiirka wasaaradda beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed, ayaa sheegay in ay si weyn ula dagaalameen Ayax aad u fara badan oo labadii bilood ee u danbeeyay dalka ku habsaday.

Ayaxaasi oo la rumaysan yahay in uu dhibaato weyn soo gaadhsiiyay dalagyadii ay beeralayda dalku tabcadeen iyo sidoo kale daaqii dhulka ka baxay, kuwaasoo oo uu dhamaantoodba six un u baabiyay.

Wasiir Axmed Muumin Seed, oo maanta hor tegay golaha Guurtidda Somaliland oo uu warbixin ka siiyay halka ay marayaan hawlaha ay wasaaradda beeruhu kula dagaalamayso Ayaxa,  waxa kaloo uu sheegay in siyaabo kala duwan ula dagaalamayaan Ayaxa.

Waxaanu tilmaamay wasiirku in iyagoo taageero ka helaya qaar ka mida hay’adaha caalamiga ah ee wasaaradda la shaqeeya in ay hawl gal balaadhan ka sameeyeen la dagaalanka Ayaxa.

Daawo: Wasiirka Beeraha Oo Faahfaahinaya:

Dawannews.com/Hargaysa Office.

Leave a Reply