Abaalka Weedaha Wanaagsan!

0
779

Nin boqor ah aya habeen riyooday. Markii subaxa ay noqotay ayuu u yeedhay sheekh riyada u fasira, waxaana boqorku u sheegay riyadiisa isagoo yidhi :” Xalay waxaan ku riyooday ilkahayga oo dhamaantood isga wada daatay?!”, ee Sheekh ii fasir riyadan.

Sheekhii ayaa ku yidhi ma hubta?,  haa ayuu ku jawaabay boqorku.   Sheekhii ayaa yidhi “ Riyadaadu waxay sheegaysa in reerkaaga dhamaantood ay  wada dhiman doonaan oo adiga oo keliya aad ka hadhayso.

Boqorkii ayaa aad u cadhooday waxaana uu amar k bixiyay in la xidho sheekha fasiraadda xun.

Sheekh labaad ayaa loogu yeedhay  markii uu riyadii u sheegay.  Sheekhii ayaa ku yidhi isagoo faraxsan “ Maansha Allaha , riyadu waxay sheegaysaa inaad adigu tahay qofka ugu cimri dheer ehelkiisa”.

Boqorkii ayaa aad u farxay oo hadyad siiyay.  Laakiin u fiirso fasiraadda labada sheekh waa isku mid laakiin sida ay  Boqorka u fahansiiyeen ayaa kala duwan.

Ehelkaagu way wada dhimanayaan adiga hortaa iyo  Waxaad tahay qofka ugu cimriga dheer ehelkiisa. Odhaahda wanaagsan ayaa ku soo jiida abaalka weyn.

Leave a Reply