Caajisku Waxa Uu Jecel Yahay Fasax Shaqada!

0
600

Wiil u dhashay dalka Irland ayaa si uu uga maqnaado shaqada maalin sameeyay arin aad loola yaabay. Wiilkan oo lagu magacaabo Eron Niel oo 20 sano jiray oo u shaqaynayay shirkada Anthel ee ka hawlgasha caasimadda Dublin ayaa saaxiibkiis u sheegay inuu la hadlo shirkadda isla markaana gaadhsiiyo in bam lagu xidhay dhismaha shirkada.

Sababta arintan ku keliftay ayaa ahayd isagoo daalana oo habeenkii la soo jeeday saaxiibadiisa, isla markaana jeclaystay in shaqada laga fasaxo oo aan la tegin maalinkaasi. Saaxiibkii ayaa kula xidhiidhay telefoon isagoo weliba sheegay inuu yahay xubin ka tirsan Daacish waxaana uu yidhi “ Dhismihiina Bam ayaa ku xidhan wuxu ku qarxayaa 12 Minits, gudahood, aniguna waxaan ahay xubin daacish ah “. Shirkadda ayaa isla markiiba booliiska la xidhiidhay.

Booliiska ayaa degdeg usoo gaadhay shirkadda oo xidhay dariiqyada soo gala waxaana shaqadii laga joojiyay 4 kun shaqaale oo subaxaasi shaqada diyaar u ahaa. Markii  booliisku waxba ka waayeen waxay soo qabteen   Eron iyo saaxiibkii oo ay baadhis heer sare ah ku garteen.

Maxakamada ayaa wiilka telefoonka diray ku xukuntay 200 saacadood oo uu bulshada bilaash ugu shaqeeyo, Eron laftiis ayaa la filayaa in sidaasi si la mid loo ciqaabo. Qaadiga ayaa cadeeyay in Eron uu doqon aan caqli fiican lahayn ahaa oo habeenimadii daalay oo si axmaqnimo ah kaga baxsanayay shaqadiis, arinkuna ma ahayn mid cadaawad ah iyo xataa mid ka maadaysi ah toona, laakiin waa mid la xidhiidh caajisnimo iyo shaqo nacayb.

Leave a Reply