Dakhliga 25%, Wax Leh Dayeerka!

0
722

Dacwada muddo dheer socotay ayaa ugu danbaystii waxa ku guulaystay nin sawir qaade ah. Kooxaha u dooda xayawaanka ayaa ninkan ku dacweeyay inuu meel kaga dhacay xuquuqda  lahaanshaha, ka dib markii isagu keligii ka faa’iidaystay sawir uu daayeer iska qaaday kaymaha Indonesiya.  Daayeerka ayaa sawirka u adeegsaday Kamarad uu lahaa David Slater oo degenaa Monmouthshire.

Garsooraha Maraykan ah ee dacwadda qaaday ayaa sheegay in dhawrista xuquuqda lahaanshaha aan loo isticmaali karin daayeer madaama aanu ahayn Aadami, laakin ururka xuquuqda xayawanka u dooda ee loo yaqaanno Peta  ayaa sheegay in xayawaanku uu xaq u leeyahay faa’idada.

Ururka Peta ayaa racfaankii ay qaateen maxkamaddu ka diiday  iyagoo matalaya daayeerka, laakin Slater wuxuu ogolaaday inuu ku deeqo 25% wixii dakhli ah ee mustaqbalka sawirka ka soo gala.

Hadal ay wadajir u soo saareen Peta iyo Slater ayaa lagu sheegay in ninkaas sawir qaadaha ah uu 4 meelood oo meel lacagta ka soo gasha iibinta sawirrada uu daayeerku  ku qaaday kaameradiisa siin doono hay’adaha ka shaqeeya daryeelka bey’ada ee Naruto.

“Kiiskan muhiimka ah ee Peta wuxuu dhaliyey dood caalami ah oo ku saabsan in xuquuqda aasaasiga ah ee xayawaanka loo balaadhiyo si ay dani ugu jirto xayawaanka, ee aan laga eegin sida ay dadku uga macaashi karaan”. Waxaana sidaa yidhi qareenkii u doodayey Peta, Mr.Jeff Kerr.

Leave a Reply