Hoggaanka Xisbiga KULMIYE oo Hadhimo-sharafeed ku Maamuusay Labeenta Xisbiga

0
504

Hargeysa (Dawan) Xisbiga tallada dalka haya ee KULMIYE, ayaa qada sharaf u sameeyay garabka dhalinyarada heer Qaran ee xisbigaasi.

Munaasibadan qada sharafta aheyd ayaa waxaa ka soo qayb galay madaxweyne ku  xigeenka Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), guddoomiye-ku-xigeennada labaad iyo saddexaad ee xisbiga, Mudane Cabdi Cabdi-dheere iyo Mudane Xuseen Aadan-cadde,  xoghayaha guud ee xisbiga, hoggaanka golaha dhexe, guddida fulinta iyo hoggaanka garabbada haweenka iyo dhallinyarada ee xisbiga KULMIYE, xildhibaanno, xubno kamid ah golaha wasiirrada, madax ka kala socotay laamaha kala duwan ee dawladda, saraakiil xisbiga katirsan iyo dhallinyaro rag iyo haween isugu jirta oo kamid ah taageerayaasha xisbiga KULMIYEee doorka muuqda kasoo qaatay guushii ballaadhnayd ee uu xisbigu kasoo hooyey doorashooyinkii kala dambeeyey ee dalka ka qabsoomay.

Ujeedada munaasibadan Qado sharafta ah ayaa salka ku heysay  bogaadin iyo mahad naq uu xisbigu u sameeyay garabka dhalinyarada heer Qaran ee xisbiga KULMIYE,

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland mudane Cabdiraxmaan  Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa sheegay in dhalinyaradu yihiin laf dhabarta Qaranka Somaliland, islamarkaana ay ku suntan yihiin guuulihii uu gaadhay xisbiga KULMIYE sannadihii ugu danbeeyay isagoona bogaadiyay is garabtaaga ay xisbiga uu muujiyeen “Dhalinyartii xisbiga KULMIYE, kuwaas oo laf dhabar u ah Qaranka Somaliland islamarkaana laf dhabar u sii ah xisbiga KULMIYE, guushiisana ku sun tahan, haday tahay doorashooyinkii lagu soo baxay, ee xisbinimada aynu ugu soo baxaynay 2002-dii, tii loogu soo baxay golayaasha wakiiladda intaba ku suntan, aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay dhab ahaantii, waanan ugu hanbalyeynayaa dhalinyarada xisbiga KULMIYE iyo haweenkaba, ahna labada garab ee ugu waa weyn uguna karaamada badan, uguna dadaalka badan, aad iyo aad ayaan mar walba u og nahay waanan u mahad naqeynaa waanad ku mahadsan tihiin”

 

Gudoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE, Axmed Cabdi Dheere,  ayaa sheegay in dadka xisbiga KULMIYE ku kulmay aanay aheyn dad reero isugu yimid, balse ay yihiin dad mabda isku raacay “Xisbinmadu waa wax la wada leeyahay, oo aynu mabda isku raacnay anigu xisbiga KULMIYE, waxaan u heysta dadka isugu yimid in aanay aheyn reero, ee ay yihiin dad mabda isku raacay, kana midha dhaliyay mabda’oodii mudada 18-ka sanno aheyd guul ayaynu joognaa, xumaan kumeynu kala maqneyn ayay ila tahay dadka halkani fadhiya ee xisbigani aasaasay aad ayaan wajiyadooda u garanayaa 18-ka sano ee xisbiga KULMIYE waxaa ka soo baxay laba madaxweyne iyo laba madaxweyne ku xigeen, raggii xooga geliyay ayaa halkan fadhida”

Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa dhalinyarada u rajeeyay in ay guul ka gaadhi doonaan doorashooyinka is barkan ee golayaasha deegaanka iyo  baarlamaanka “Guul ayaan idiin rajeynayaa cisi iyo sharaf ayaan idiin rajeynayaa ciida ciideedana in  aynu isugu nimaadno inaga oo faraxsan, iyo inaga oo doorashadii galnay dhammaan dhalinyaradii golayaasha deegaanka iyo kuwii baarlamaankuba ay soo baxeen”

Leave a Reply