Genel Energy oo Agab Muhiim ah ku Wareejisay Cisbitaalka Burco + Sawiro

0
570

“GENEL ENERGY waxa ay cisbitaalka Burco ugu deeqday kaalmo ay aad ugu baahnaayeen” Cabdi Cabdillaahi

Burco (Dawan)- Qalab caafimaad oo ay ku deeqday Shirkadda GENEL ENERGY, ayaa la guddoonsiiyay cisbitaalka guud ee magaalada Burco, qalabkaasi oo ay si rasmi ah ugu wareejiyeen cisbitaalka Wasiiradda wasaaraddaha tamarta iyo macdanta mudane Jaamac Maxamuud Cigaal iyo Wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland mudane Cumar Cabdillaahi Badde.

Qalabkani oo uu ka mid ahaa mushiinka Oxygenka soo saara iyo qalab caafimaad oo caawinaya hab-dhiska neefashada bukaanka, ayaa waxa kaalmaddaasi ugu deeqday cisbitaalka shirkada GENEL ENERGY Somaliland, kaasi oo ahaa mid baahi weyn loo qabay, isla markaana wax weyn ka tari doona adeegyada uu bixiyo cisbitaalku.

Cabdi Cabdillaahi Janaale oo ka mid ah saraakiisha sar sare ee shirkada GENEL ENERGY Somaliland, ayaa faahfaahin ka bixiyay kaalmooyinka iyo deeqaha kala duwan ee ay ka geysteen gobolada Somaliland, waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlayay “Waxaan salaam idiinka sidaa Madaxda guud ee shirkadda GENEL ENERGY iyo dhamaan shaqaalaheeda, waxaanay idin-leeyihiin Eid Mubaarak. Maanta waxa ay shirkadda GENEL ENERGY cisbitaalka Burco iyo gobolada Barigaba ugu deeqday kaalmo ay aad ugu baahnaayeen, taasi oo ah Oxygen Plane-ka, oo markii u horeysay oo cisbitaalka Burco Oxygen haamahooda ka dhaansan doonaan. Deeqdani maaha tii ugu horreysay ee ka timaada shirkada GENEL ENERGY, deeqo fara badan oo hore ayaa jiray waxaana ka mid ahaa xilligii abaaraha ee loo baahnaa gaadiidka oo aanu laba booyadood oo kuwa biyo dhaamiska ah aanu u iibinay Gobolka Saraar iyo Togdheer, laba Wonderbagiska ah oo aanu ugu deeqnay 3750 qoys oo ka mid ah goobaha aanu kashaqeyno, si deegaanka loo ilaaliyo, waxa kale oo ka mid ah Dhismaha dugsiga hoose dhexe ee ina Dhakool.

Waxa kale oo ka mid ahaa xarunta agoonta ee la yidhaaho Tusmo Orphanage oo wixii lagu bilaabayba ay iyadu lahayd, waxaa ka mid ahaa dugsiga Xayira oo konton kun oo dollar ay GENEL ENERGY ugu deeqday markii la dhisayay, xiligii abaaraha oo gobolka Saraar ay u iibiyeen gaadiid si ay isugu gurmadaan.

GENEL ENERGY, markii ay qorshahan dhammeysay waxa ay u dirsatay qalabkan si ay u soo iibiyaan qolada la yidhaaho Anbiko, shirkado badan ayaanu eegnay balse tan waxa aanu u qaadanay deg degga iyo wakhtiga.”

Cabdi Cabdillaahi Janaale, waxa uu sheegay in shirkaddxa GENEL ENERGY ay mar kasta diyaar u tahay in ay ka qayb qaadato wax kasta oo la xidhiidha caawimada iyo deeqaha kala duwan ee ay ubaahan yihiin bulshada ku dhaqan deegaanada ay shirkaddu ka shaqayso, waxaanu yidhi “Shirkadu diyaar ayay u tahay mar walba deegaanada ay ka shaqeyso wixii ka dhaca in ay ka qayb qaadato dhib iyo dheef ba. Waxaan u sheegayaa reer Burco in ay u mahad naqaan wasaaradda, sababta oo ah wasaarada ayaa dalabkani laheyd.”

Khadar Maxamuud oo ka socday hay’adda Anbiko oo isna munaasibadii qalabkani lagu wareejinayay hadal kooban ka jeediyay ayaa yidhi “Madashan waxaa aynu u fadhina in aynu ku wareejino wasaaradda horumarinta caafimaadka qalab dhab ahaantii aad iyo aad mihiim u ah oo lagu wareejinayo cisbitaalka guud ee Burco, oo Oxygen-ka ka haqabtiri doonta gobolkan iyo gobolada kaleba, qalabkani waxaa uu wax weyn ka tari doonaa xaaladaha caafimaadka ee deg degga ah, waxaana qalabkani ku deeqday hay’adda GENEL ENERGY Somaliland oo aanu kala shaqeynay iyo wasaaradda tamarta iyo macdanta.”

Agaasimaha cisbitaalka Burco Cabdi Suudi ayaa uga mahad naqay xukuumadda iyo hay’adda GENEL ENERGY agabka caafimaad ee ay ku wareejiyeen cisbitaalka guud ee magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, waxaanu yidhi “Halkan waxaan uga mahad celinaynaa Kanbaniga GENEL ENERGEY, kaas oo qalabkani maanta la nagu wareejiyo isagu noogu deeqay, waxaa kale oo aan u mahad naqayaa wasaaradda macdanta iyo tamarta waxaan isna u mahad naqaya wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka, dhab ahaantii qalabkani waa mid faa’iido weyn leh, waana mid anfacaya inta cisbitaalkani jiro”

Wasiirka wasaaradda macdanta iyo tamarta mudane Jaamac Maxamuud Cigaal ayaa sharaxay qalabkan iyo faa’iidadiisa “Qalab mustaqbal leh, qalab waxtar weyn leh oo laga faa’idi doono oo aan hore waddanka uga jirin, Burco na noqotay magaaladii ugu horeysay ee nasiibka u yeelatay qalabkaasi oo isu dhammeystiran, waxaanu anfici doona mid xannuunkaasi ku dhaco iyo mid si kale loo helaba shirkadda naga aqbashay ee u hawl gashay ee deeqdaasi ku deeqday ayaa dhab ahaantii mahada labaad leh”

Wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland mudane Cumar Cabdillaahi Badde ayaa tilmaamay in qalabkani yahay mid macno weyn ugu fadhiya adeeg bixinta caafimaadka ee gobolka Togdheer “Halkan maanta waxaa sharaf ii ah in aan ka soo qayb gallo wareejinta qalabkani caafimaad ee macnaha weyn ugu fadhiya adeega caafimaadka ee gobolka Togdheer, , kaas oo wax lagaga qabanayo islamarkaana lagaga hortago xannuunka aad iyo aad ayuu u mahadsan yahay wasiirku, wasaaradd caafimaad ahaan waxaa aanu dadaal u galney in la dhiso nimaad caafimaad oo la tacaali karra xaaladaha noocan oo kale ah mustaqbalka, iyo hadaba”

Dhinaca kale, masuuliyiintii iyo madaxdii ka hadashay xafladaasi ayaa mahad naq iyo duco ballaadhan u jeediyay shirkadda GENEL ENERGY ee deeqdan mugga weyn soo gaadhsiisay cisbitaalka Burco, iyaga oo tilmaamay in abaalkaagi aanu duugobayn, isla markaana ay bulshada reer Burco iyo guud ahaan reer Somaliland ay abaalkaasi u hayn doonaan.

Sidoo kale, shirkadda Genel Energy ayaa looga duceeyay salaadii Iida ee lagu oogay magaalada Burco, iyada oo bulsho weynta magaalada Burco ay si weyn ugu duceeyeen madaxda iyo hawl-wadeenada shirkadaasi.

Leave a Reply