Wasiir Koore oo u bushaareeyey Dhalinyarada Siyaasadda danaysa

0
661

Hargeysa(Dawan)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo wacyi-gelinta Jamhuuriyada Somaliland Saleeban Yuusuf Cali (Koore) oo khudbad ka jeediyey munaasibad lagu qabtay magaalada Hargeysa oo hogaanka xisbiga kulmiye maanta  hadhimo-sharafeed ugu sameeyey Dhalinyarada xisbigaasi, ayaa ka waramay sooyaalkiisa nololeed ee uu ku dhex jiray saaxada siyaasadda iyo kaalinta uu wakhtigan taagan yahay, isagoo tilmaamay in uu kamid yahay siyaasiyiinta diyaarka u ah in ay fursad siiyaan dhalinyarada xisbiga iyo guud ahaan dalka ee danaynaya Siyaasadda.

Wasiir Koore, ayaa sidoo kale iftiimiyey doorka ay dhalinyarada xisbiga Kulmiye ka soo qaateen guulihii siyaasaddeed ee uu xisbigu gaadhay intii uu jiray, waxaanu ku sifeeyey Waax lama huraan ah oo tacab iyo taageero weyn la garab taagnaa xisbiga, haatanna mudan in loo baneeyo markooda in ay hormuud ka noqdaan hogaamintiisa.

“Haldoorka Dhalinyarada JSL ee xisbiga Kulmiye geedi dheerbay xisbiga Kulmiye iyo umadda reer Somaliland-ba kula soo shaqeeyeen, waxaan isleenahay maalinba waa maaline, maanta awrkiinaa dhaaminaya”ayuu u sheegay da’yar tiro badan oo madasha hadhimo-sharafeedka ku sugnaa.

Wasiirku isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay in wareegtada nololsha iyo cimrigu ku simeen in uu xilligan waayeel ka noqdo siyaasadda, marna uu isagoo da’yar kamid ahaa goleyaasha Dawladda “wakhti wakhtiyada kamida waxa laygu tilmaami jiray xukuumaddihii jiray qofkii ugu yaraa, maantana waxaan ku jiraa inta ugu waayeelsan, markaa maanta ragga u diyaarsan in ay idinka hor baydhaan ayaan ku jiraa oo aan kamid ahay, qaar badan way isku sii adkaynayaan oo kamida saaxiibaday oo indhaha ayey soo fadiijinayaan, waxaanse kamid ahay dadka u diyaarka ah in ay fursada idin siiyaan, laakiinse hal marbaa nagu hadhay ee halkaas mar ayaad noo dulqaadan doontaan” ayuu raaciyey hadalkiisa.

“Guul ayaan inoo rajjeynayaa in aynu ciiddan ciiddeeda ku gaadhno iyadoo ay Doorashooyinkii inoo qabsoomeen”ayuu mar kale Wasiirku ku booriyey Dhalinyarada, isagoo musawir wanaagsan ka tusay geedi-socodka u diyaar-garowga Doorashooyinka iyo doorka kaga aaddan dhalinyarada in ay ka mid noqdaan goleyaasha la soo dooranayo ee Wakiillada iyo Deegaanka.

Halkan ka Daawo Muuqaal:

Wasiirka Warfaafinta oo horena muddo dheer uga tirsanaa Golaha Wakiillada, xukuumaddihii Kulmiye ka horeeyeyna xilal Wasiirnimo ka soo qabtay, ayaa dareenkan la qabay xubno kale oo ka hadlay munaasibada oo tilmaamo ka bixiyey taariikhda dhalinyaradu ku leeyihiin isbedelladii siyaasiga ahaa ee dalka ka dhacay dhowr iyo tobankii sannadood ee u dambeeyey.

 

Leave a Reply