Wasiirka Isgaadhsiinta oo ku taliyey in aan tabashada Doorashada la dhaafin Xayndaabka Sharciga

0
494
Gabiley(Dawan)-Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo horumarinta Tiknoolajiyada JSL Cabdiwali Sheikh Cabdilaahi Suufi Jibriil, ayaa shacbiga Somaliland ku booriyey in ay u diyaar-garoobaan doorashada Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka oo uu sheegay in ay qabsoomayaan wakhtiga loo asteeyey, kana waantoobaan hab-dhaqanka xagal-daacinaya geedi-socodka hannaanka Doorashooyinkaasi iyo dimuquraadiyada.
Wasiirka, ayaa sidaasi ku sheegay khudbad uu ka jeediyey munaasibaddii Ciida garoonka Timo-cade ee magaalada Gabiley oo uu dadweyne tiro badan kagala qaybgalay tugashada Salaada, waxaanu intaasi ku daray in ku kala aragti duwanaanshiyaha doorashooyinka aan la dhaafin inta uu sharcigu baneeyey ee wax lagu sixi karo, taasoo uu ogol yahay nidaamka Dimuquraadiga ah ee dalka ka hana qaaday.
“arrinta Doorashada iyo saansaanta socota haloo diyaar garoobo, qof kasta oo reer Somaliland ahi wuxuu xaq u leeyahay in wuxuu doonayo amma tabanayo uu sheegto, laakiinse in uu xadka ka baxo waxa u diiddan sharciga”ayuu yidhi.
Wasiirka Isgaadhsiinta JSL, waxa uu sharaxaad ka bixiyey fursadaha nidaamka Dimuquraadiyadu siiyey muwaadiniinta iyo sida loogu baahan yahay in cid kasta oo wax tabanaysaa isu-xakamayso.
waxaanu yidhi “waxaynu qaadanay qaabka dimuquraadiga ah oo in qofku xor u yahay aragtidiisa oo lagu ilaalinayo, isna ay tahay in uu ku ilaaliyo inta kale, markaa dooddaa doorashadu meello badan ayey ka socotaa, horena waa ugu soo galnay oo markii ugu horaysay maaha, labaatan sannadood in ka badan baynu doorashooyin soo galnay, waxa aynu leenahay khibrad aynu ku maareyn karno xukuumad iyo shacbi wixii ku saabsan arrimaha doorashooyinka, waxaanay tahay in cid waliba xil iska saarto”
Waxa kale oo uu Wasiirku tilmaamay “Iminka Somaliland meelo badan oo caalamka ah ayaa laga majeertaa, waxa loogu han weyn yahayna waa doorashooyinkaas iyo dimuquraadiyadda ay ku socoto, taana illaahay ha inoo ilaaliyo”ayuu yidhi isagoo dhanka kalena dadweynaha reer Gabiley kula dardaarmay in ay isku-duubni iyo iskaashi bulsho muujiyaan, kana fogaadaan wax kasta oo ay ku kala qaybsami karaan.
Hadal haynta iyo doodda ku saabsan Doorashada Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaamada, ayaa kor u kacday tan iyo markii ay Xisbiyada Qaranku ka heshiiyeen qabsoomida Doorashadaasi iyo habka  farsamo ee lagu gelayo.

Leave a Reply