Ergooyin Nabadeed Oo Gaadhay Degmada Widh-widh Ee Gobolka Buhoodle.

0
455

Hargeysa (Dawan)- Ergooyin nabadeed oo ka ambabaxay degmooyinka Buuhoodle iyo Ceegaag ayaa gaadhay degmada Widhwidh ee gobolkaasi buhoodle, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay madax-dhaqameedka gobollada Sool iyo Buuhoodle oo ku dhex jiray sidii loosoo afjari lahaa shaqaaqo soo noqnoqotay oo u dhexeysa laba beelood oo walaalo ah oo deegaankaas wada dega.

Madashan lagu soo dhawaynayey ergada waxa goobjoog ka ahaa Garaaddo, Wax-garad, Maayarka degmada Ceegaag iyo mas’uuliyiin kale waxaana ay dhammaantood sheegeen inay gacmo furan kusoo dhawaynayaan ergeda, isla markaana gogol nabadeed la dhigay deegaanka Saaxadheer oo ka tirsan gobolka Sool, taas oo ay isla maantaba u sii gudbeen.

Ergada nabadeed ayaa iyaguna dhinacooda u mahad-celiyay masuuliyiinta ku soo dhaweeyey deegaanka Widhwidh sida milgaha leh ee ay u soo dhaweeyeen iyagoo bulshada ugu baaqay inay midoobaan oo nabadda deegaanka taageeraan.

Leave a Reply