Hay’adda Shaqaalaha Dawladda JSL Oo Bilaabeysa Hubinta Liiska Shaqaalaha Rasmiga Ah Ee Dawladda.

0
499

Hargeysa (Dawan)-Hay’adda shaqaalaha dawladda ayaa sheegtay in ay dhawaan fulin doonto barnaamij balaadhan oo lagu dabagalayo, isla markaana lagu baadhayo shaqaalaha ku jira liiska mushahar bixinta dawladda ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha badaxa bannaan ee dawladda.

Waxyaabaha la hubin doono waxa ka mid ah in qof kasta oo shaqaale ahi uu ku sugan yahay goobtiisii shaqada, iyo in xogtiisu sax ku tahay sida ay xafiisyada xogta ee Hay’adda Shaqaalaha dawladdu u hayaan isla markaana la helo faylkiisa xogta shaqsiga ah.

Waxayna Hay’adda shaqaalaha dawladdu waaxda cududda shaqaaluhu ee wasaaradaha iyo Hay’adaha kale  ee dawlada la socodsiinaysa in ay si mug leh xil isaga saaraar diyaarinta xogta qof kasta oo shaqaalaha ka mida, isla markaana heegan buuxa geliyaan shaqaalaha si ay hawshan ugu diyaar garoobaan una diyaarsadaan dokumentiyada muujinaya xogtooda shaqsiga ah sida kaadhka aqoonsiga muwaadinka iyo kaadhka shaqaalaha dawladda.

Ugu dambayn, Hay’adda shaqalaha dawladdu waxay u soo jeedisay masuuliyiinta waaxda cududda shaqaalaha in hawshaasi ay sida ugu habboon u qabsoonto isla markaana ay gacan ku siiyaan hawl-wadeenada Hay’adda shaqaalaha dawladda ee hawshan ka shaqaynaya.

Leave a Reply