95 Jir Aan Weligii Timaha Xiirin!

0
851

Nin 95 jir ah oo ka soo jeeda gobolka Karnataka ee dalka India ayaa la sheegay in aanu waligii timahiisa xiirin, kuwaasi oo wakhtigan dhererkoodu gaadhaya qiyaas 24-fuudh, waxa ay noqdeen kuwo isku cufan oo madaxiisa saran culays weyn ku haya madaama uu waayeel noqday.

Ninkan oo lagu magacaabo Mr. Doddapalliah, oo sida la sheegay 95-sano jir ah, ayay dad badan u arkaan mid karaamaysan kuwaasi oo soo booqda isla markaana timaha u maydha  aadna u caawiya. Odaygan ayaa sheegay in magaaladiisa Molakalmuru, degmada Chitradurga, ay u baahan tahay inay haysato hal tin ah, kuwaasi oo madaxiisa ku duuban, kuwaasi oo barako u ah.

Madaama ay aaminsan yihiin inay barakaysan yihiin waxa ku xidhan timaha quful si aan wax yar looga jarin dhererka qiyaastooda waa  (7.3 mitir), odayga ayaa wakhtigan aad u tabcaan madaama da’diisu ay aad weynaatay.

Odayga Doddapalliah sida dhabta ma ah qofkii ugu horreeyay ee timaha aan xiirin, waxaana hore usoo bandhigay  Mr.Sakal Dev Tuddu, oo ah nin Hindi ah oo aan timaha iska xiirin muddo afartan sano, iyo nin Shiinaha u dhashay oo la sheegay in aanu timaha iska xiirin muddo 54 sano ah. Waxa kale oo isna jiray “Rag Rapunzel” Savjibhai Rathwa, oo timihiisa dhererkiisu gaadhayay 19-mitir, kaasi  oo ku duubi jiray xadhig mado.

Leave a Reply