Bilowga Foorraha Doorashada Goleyaasha iyo Hal-xidhaalaha Shacabka horyaalla?Faallo.S.Kalshaale

0
1451
Muwaadiniinta Somaliland waxa ay isu-diwaangeliyeen codbixiyeyaal rasmi ah
Tan iyo markii Xisbiyada Qaranka iyo Madaxweynuhu si wada jir ah qallinka ugu sunteen heshiiska laga gaadhay qabsoomida Doorashada Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka oo sida laysku waafaqay mar la wada qabanayo, waxa bilaabmay dabeyl xambaarsan dhambaallo iyo dhaqdhaqaaqyo ka imanaya dadka u han-qal taagaya in ay ka qaybgalaan tartanka Doorashooyinkaasi, kuwaasoo shaaciyey in ay u sharaxan yihiin Kuraasta labadan Gole ee aynu kor ku xusnay, waxaanay qaarkood samaysteen Boodhadh, astaamo iyo hal-ku-dhigyo ka turjumaya hamigooda Murrashaxnimo.
Ashkhaas Bulshada dhexdeeda caan ka ah, dhalinyarro waji cusub ah iyo xubno Waayeel lagu tirin karo, ayaa kamida dadka qalabka warbaahinta iyo meelo kale oo shaacsanba lagu baahiyey Sawirradooda iyo dhambaal-sideyaasha ay ku ku xardheen farriimahooda, waana kuwo ku muujiyey shaacintooda astaamaha Xisbiyada ay ka sharaxan yihiin iyo qaar aan wali dadweynaha u caddeyn xisbiga ay ka tartamayaan, balse hamuumtooda beyaamiyey.
Murrashaxiinta iskood u shaaciyey, waxa ka kale oo kamida Haween iyo rag ay Dad badani falcelin deg deg ah ka sameeyeen ogaanshiyaha hankooda, kuwaasoo uu kamid yahay Cabdikariin Axmed Mooge oo ah Siyaasi da’yar oo xil wasiir ku-xigeen ka soo qabtay Xukuumaddii hore xisbiga talada haya ee Kulmiye.
Cabdikarin Axmed Mooge oo ka soo jeeda Qoys caan ah, ayaa markii uu xilka Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda qorsheynta ka tegay kaddib, muddo sannado ah ka shaqaynayey Ololle ka dhan ah qabyaalada oo uu hogaaminayey dad iskood isugu xilqaamay suulinta kala qaybinta isir kala sheegashada diciifka ah ku dhisan qabyaalada, sidoo kalena wuxuu muddo dheer la shaqaynayey Hay’addaha gargaarka ee dalka ka shaqeeya.
“aniga oo 17 ah ayaan bilaabay in aan dadkayga u shaqeeyo oo aan marba kaalin ka shaqaynayey aniga oo waxaan qabanayo u qaban jiray si naf-hur ah, waxaanan filayaa dadkaygu iyagoo eeggayo taariikhdaa wanaagsan in ay i garab istaagi doonaan, i taageeri doonaan, codkooda i siin doonaan, si markaasi aan ugu shaqeeyo oo aan abaalkooda ugu celiyo”ayuu ku sheegay shir-jaraa’id oo uu si rasmi ah ugu shaaciyey murrashaxnimadiisa golaha deegaanka Caasimada Hargeysa.
Sawirka iyo hadal-haynta Murrashaxnimada Cabdikariin waxa baraha bulshada aad ugu baahiyey dad badan oo mudakar ah, haba u badnaadeen da’yare, waxaana looga dareen-celiyey siyaabo kala duwan oo tognaan iyo tabnaanba leh.
Dhinaca kale, waxa jira tobanaan shakhsi oo baraha bulshada ku baahiyey damacooda iyo qaar Boodhadh waaweyn sudhay shaaracyada magaalooyinka, kuwaasoo ay kamid yihiin rag iyo haween in badan sugayey fursaada doorashada oo waxba yaanan magac-dhabine warkoodu cad yahay.
Dhamaan arrimahani waxa ay sida foorre galab-beed u walminayaan in ay inagu soo fool leeyihiin maalmo kale oo Ololle siyaasaddeed ah iyo Doorasho shacbiga looga marti noqon doono cod iyo xulasho ku sar-jarran sidii hore looga bartay ee ahayd qof jeclaysiga, Qabiil ku raaca iyo quud ugu raxlaynta amma xaalad ka duwan oo ka turjunta  bisayl bulsho oo ay dadweynuhu si xilkasnimo ku dheehan tahay kaga dhex doortaan boqolaalka qof ee isa soo hor-taagi doona Wakiillo tayo iyo karti leh oo ka shaqeeya danta dalka iyo dadka.
Murrashaxiinta ka qaybgelaya Doorashada Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada inta badan diyaarintooda, waxa xisbiyada siyaasadda ku weheliya deegaamada ay ka soo jeedaan ee ku metelayaan goleyaasha  oo ku keenna wax lagu tilmaami karo muwaafaqo qabiil oo aanu ka reebanayn isgarab-yaac ka daba yimaada hadba qofka reerkiisu marka hore calaamadiyo, taasoo ah jarran-jarta koowaad ee ay murrashaxiintu ka soo gudbaan marka ay tartanka gelayaan.
Sidaasoo ay tahay , Doorashada iminka dabeysheedu bilaabantay, waa mid shacabka wax doorta, gaar ahaan hormuudka deegaamada ku dhaqan gobolada dalku haystaan fursad ay aad ugaga baaraan-deggaan Dadka uga qaybgelaya tartanka doorashada, iyadoo sida saxda ah ee loo baahan yahay in ay  ku kala xushaan dadka damaca leh ay tahay,  aqoon, daacadnimo, karti iyo waayo-aragnimo,  oo ay ugu yaraan qofka saddexda ugu muhiimsan buuxiya  ay xisbiyada geeyaan.
Xisbiyada dhinacooda, ayaa laga rabaa in ay iyaguna murrashaxiinta ku qiimeeyaan qodobada aan kor ku xusnay iyo imtixaan ka sii adag oo lagu xakameynayo in ay goleyaasha soo socda fadhiistaan wax ma tareyaal u soo shaqo-tega in ay tacab la’aan Cashuurta umadda ku masaariifsadaan.
Ugu dambeyn, waxa xaqiiqo ah in shacbiga Somaliland waayo-aragnimo in ugu filan ka haysto natiijada Doorashada, wakhti xaadirkana ka dheregsantahay bulshadu in ay ku kadsoobeen doorashooyin hore oo badan oo ay gacantooda ku doorteen dad aan siday ugu liseen ugu hambeyn.
Hase yeeshee su’aasha hal-xidhaalaha ah, ayaa waxa ay tahay waayo-aragnimadaasi wax ma ka bedeli doontaa dhaaddanaan la’aantii natiijada codkooda iyo laab-la-kacii lagaga maali jiray xamaasada xarraarada Doorashada mise godkii shalay lagu qaniinnay ayey mar kale codbixeyaashu u soo gelbin doonaan geesiyaal aan godob lahayn oo  aanay hubin abaal-gudkooda.
Faallo. Saleeban Cabdi Cali (Kalshaale)
Hargeysa/Somaliland
Email: curad1986@hotmail.com

Leave a Reply