Berbera : Shabeel lagu Dilay Buurta Wagar

0
1083

Wagar (Dawan)  Degaanka loo yaqaano Qaboobe oo ku yaal dusha sare ee Buurta Wagar ee gobolka Saaxil ayaa lagu dilay Shabeel lab oo lix neef oo adhi ah ku cunay degaankaas.

Dadka degaanka ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in Shabeelkaas la dilay, kadib markii uu xoolahaasi laayay.

Kaymaha waa weyn iyo shareerka geedaha cidhiidhiga ah ee buurta Wagar ayaa waxay sababeen in ay ku noolaadaan xayawaano sannadahan danbe laga waayay waddankeena, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Shabeelka, Libaaxa, Harimacadka inkasta oo dadyowga deegaankaas ku nooli aanay baryahaa arag Libaaxa, haddana waxay caddeeyeen in ay maqlaan cida Shabeelka.

Leave a Reply