Xiin-galool : Dhallinyaro la Timid Fursad Shaqo oo ay Camal la’aantii kaga Baxsadeen

0
144

Xiingalool (Dawan) Deegaanka Xiingalool ee gobolka Sanaag, oo caan ku ah dhaqashada Idaha iyo cunista hilibkooda ayaa imika laga hirgeliyay shirkad digaag oo soo saarta maalintii shan boqol oo xabbo oo Beeda (Ukun) waxaana shirkadda hirgeliyay laba wiil oo dhallinyaro ah oo ku nool magaalada islamarkaana ka mida  macalimiinta.

Sakariye Siciid Cumar oo isagu ka mida dhalinyaradda hirgalisay  ayaa Radio Ergo uga waramay shirkadani iyo sida ay u shaqeynayso “Digaagani dalka Kenya ayaanu ka keenay, Kenya laf ahaantooduna waxaa ay ka keeneen Holand, safar dheer kadib waa uu noo yimid digaaga imika aanu heynaana waa shan boqol iyo konton xabbo  caqabado yar yar oo nala soo darsay waxaa noo soo saafi garoobay 530-xabbo.

Wax-soo-saarkoodu waxaa uu gaadhsiisan yahay 420 ilaa 460  oo Beeda oo dhammaan deegaanku uu wada qaato”

Sakariye waxaa uu sharaxay qaabka ay u mareeyaan inta xabbo ee Beeda ee maalintii ay digaagu dhallaan “Beedka waxaa aanu ka iibina ganacsatada yar yarka ah dukaamo xaafadeedka iyo wixii la mida, ilaa iyo hada waxaa nagu xidhan sideed dhibito ilaa laba laba, sidoo kale waxaa nagu xidhan dukaamo yar yara oo iyagu naga iibsada Beedka, marka waxaanu sameyna marka ay gelinka danbe gaadho xiliga makhribka ayaanu soo qaadnaa wixii maalinta soo baxay, intaasi kadib waxaa aanu u qaybinaa dukaamadii, xaafadihii iyo dhibitooyinkii (Makhaayadaha)”

Sakariye isaga oo hadalkiisa sii wata waxaa uu ka sheekeeyay qaabka ay u quudiyaan digaagan ay dhaqdeen  “Digaagani markii aan keenay caqabado yar yar ayaa na qabsaday oo caqabada u weyni waxaa ay aheyd bandoogii xannuunka safmarka ah ee Covid-19 ayaa na saameeyay, maadaama aanu waddanku laheyn goobo digaaga lagu daaweeyo iyo goobo adeeg bixinta digaaga laga helaayo, oo aanu Qurbaha ku xigneyn ama Adis-ababa ama Nayroobi ama Dubai, ILLAAHEY mahadii caqabadihii waanu ka soo gudubnay daawooyinkoodana, cir iyo dhul iyo bad meelkasta oo aanu soo marino waanu keenaynay, quudinta digaagan waxaa aanu ka keensana Dubai, sababta aanu Dubai uga keenaana wax kale maaha digaagu waxaa ay u baahan yihiin cuntooyin isku dheelitiran”

Sakariye Siciid Cumar waxaa uu ka waramay sida ay bulshada deegaankaasi oo hilib cuna ay ugu qanciyeen isticmaalka beedka  “Waxaa aynu dhaqano Idhaha iyo Geela ayaa u badan, Iduhuna waa xoolo laf-dhabar u ah bulshada deegaanka ku nool, waxyaabaha aanu u hindisnay waxyaabahan waxaa ka mid ahaa in aanu aragnay Beed (Ukun) oo aad u faro badan oo ka soo galeysa waddanka dibadiisa, marka markii aanu qiimeynay waxaa aanu is nidhi idinku miyaydaan la soo bixi karin Beedkaasi, maada ay bulshadii baahi weyn u qabto,  iyaga oo hilibkii Idaha cunaya waxaana noo sahlay qiimeyn aanu ku sameynay dadka ganacsatada ah ee Beedka gada, anagana waxaa uu noo yahay shaqo abuur iyo ganacsi uu isagu leeyahayba, dadkiina cuno wanaagsani haw soo baxdo, sababto ah qofku waxaa uu ku cashaynaya xabbadii Beed aheyd ee saaka ama maanta dhalatay iyada oo aan meelaba soo marin, haday bad noqoto iyo haday berry noqotaba oo aan khaayisin”

“Ganacsiga suuqiisu waa uu is baddelay sababto ah Xiingalool oo kaliya waxaa ku nool 20-kun oo qof waxaananu heynaa ilaa 430-xabbo maalintii , marka dadkii oo dhan ma gaadhsiin karrno ee anagu xabad xabad ma iibino ee Jumlad ayaanu ku iibina waxaananu ku jaangoyna hadba cuntada aanu digaaga siino, qiimihii uu dalka dibadiisa kaga imanayay uunbaanu dalka gudihiisa ka siina dadka”Ayuu yidhi Sakariye kana mida dhallinyaradda la yimid fursada shaqo ee ay kaga baxsadeen camal la’aanta.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here