Somaliland: Nin Ay Ku Muransan Yihiin Qoysas Badan

0
459

Hargaysa (Dawan): Nin musawirkiisa labadii todobaad ee u danbeeyay si aad la iskula dhex marayay baraha bulshadu ku xidhiidho ee Internet-ka oo ay dad badani sheeganayeen in uu walaalkood yahay.
Ninkan oo xanuunsanaya ayaa la sheegay in dalka Itoobiya laga soo helay, kaasoo la keenay magaaladda Hargaysa.
Hase yeeshee markii sawirkiisa la baahiyay waxaa soo baxay in tuhun ka galay qoysas badan oo sheegay in uu iyaga la ehel ama walaal yahay.


Iyadoo qaarkood ay ku doodeen in uu walaalkood yahay, isla markaana uu ka mid ahaa askartii Soomaalida ee maxaabiis ahaanta ay u qabatay Itoobiya, dagaalkii dhexmaray dawladihii Soomaaliya iyo Itoobiya sanadihii 1977 ilaa 1978.
Qoys u tuhunsanaa in uu walaakood yahay ayaana ninkan ka soo kexeeyay magaaladda Danbal ee gobolka Shinniile ee dalka Itoobiya.
Sida uu sheegay badhasaabka gobolka Maroodijeex Jaamac Xaaji Axmed, oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa.


Balse qoyskaasi ay u cadaatay in aanu ahayn qofkii ay raadinayeen, sidaas darteedna ay arki karto cidii kale ee doonaysa in ay ku qancaan.
Ninkan xanuunsanaya ayaa magaciisa lagu sheegay Axmed Siciid Ismaaciil.
Hadaba badhasaabka gobolka Maroodijeex ayaa ka hadlay ninkan lagu muransan yahay iyo cida laga soo xidhiidhayo, haddii ay jiraan dad u tuhunsan in uu walaalkood yahay.

Daawo: Badhasaabka Maroodijeex Oo arrimahaas Ka Hadlaya:


Dawannews.com/Hargaysa Somaliland.

Leave a Reply