Sheekh Dirir oo ka Hadlay Sida ay Mihiimka u Tahay Illaalinta Qalbigu

0
733

Hargeysa (Dawan) Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir, kana mida culimada waa weyn ee dalka ayaa khudbadiisii Jimcaha ee shalay kaga hadlay ilaalinta Qalbiga, ilaalintiisa iyo ka war heyntiisa iyo sidii uu u caafimaad qabbilahaa.

Sheekhu waxaa uu sheegay in Qalbiga oo laga warhaya ay mihiimadeeda leedahay, islamarkaana boqol iyo laba iyo labaatan aayadood uu  ILLAAHEY ku sheegay qalbiga QU’RAANKA dhexdiisa.

Sidoo kale Sheekhu waxaa uu tilmaamay in tirade Ayadaha intaa le’egi meesha ay inaga waanisay  aan la ilaawi karrin, loona baahan yahay in loo foojignaado.

Dhanka kale mar uu sheekhu ka hadlayay xubnaha kale ee jidhka Qalbiga waxaa uu dheer yahay waxaa uu ku sifeeyay in ay tahay meesha sababta u ah xilka qofka bini’aadamka ah saaran.

Halkan ka Daawo khudbadaasi oo Dhammeystiran

Leave a Reply