Sheekh Maxamed Haybe oo Bulshada ku Waaniyayay la Dagaalanka Maandooriyaha

0
586

Hargeysa (Dawan) Sheekh Maxamed Haybe , oo ka mid ah culimadda magaalada Hargeysa ayaa bulshada ka waaniyay, mukhaadaraadka, dhibaatooyinkiisa iyo ka ganacsigiisa, kuna dardaaray ka ganacsiga waxa wanaagsan ee aan bulshada dhibeyn.

Waxaanu arrimahaa iyo dhibaatooyinka ay macaasidu leedahay kaga hadlay qudbadii salaadda jimcaha ee Masjidu Rashiid ee magaalada Hargeysa.

Sheekh Maxamed Haybe isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Waxaa loo baahan yahay in aynu si wada jira ula dagaalano maandooriyaha Xashiishada iyo Khamriga oo faro ba’an inagu haya, inkasta oo ILLAAHEY haka abaalmariye ciidamada amaanku si weyn ula dagaalameen hadana intaaba waala keenaya, cida keenaysa waa dadkeena oo lacag heysta ama cirka ha soo mariyaan ama dhulkee, waxaa loo baahan yahay dhammaanteen in aan wax ka qabbo, oo aynu dadkeena u tudhno, xalaal ka ganacsano, waxaad arkaysa dad soo dejinaya buuri tufaaxa badeecada lagu cabbo oo tukaanadeena yaala, waar laaga aasi maayo, oo laaga kafi maayo, ILLAAHEY ka baqa oo xalaal ka ganacsadda.

Waalidkana waxaan ku boorinaya waar ubadkeena aan ka war heyno oo Xaashiishadba fara baas inagu heysee aan oogano”

Leave a Reply