Natiijada Aad Heshaa Waa Dhaqankaaga

0
460
  • Aamuska Ayaa Marar badan ah Jawaabta ugu wanaagsan
  • Is Faham la’aan kooban yaanay ka burburin saaxiibtinimo weyn
  • Qofna meel hakaga dhicin, ixtiraam oo ilaali dareenkiisa
  • Ha rumaysan wax kasta oo aad maqashid.
  • Xidhiidhka dadka ha goyn, ma jiro qof aan waxtar lahayni.
  • Nolashaadu waxay qiimo leedahay inta aan waxtar ku kordhiso tan dadka kale.
  • Naxariistu waa astaaaha guusha iyo akhlaaqda wanaagsan
  • Ka dhabee wax kasta inaad guul ka gaadho
  • Hadba sida aad dadka ula dhaqanto ayaa ah Natiijada aad helayso.
  • Inta aad nooshahay wax kasta waa suurgal.

 

 

 

 

 

Kooxo culimo ah oo daraasado kala duwan ku sameeyay jidhka iyo aadamiga ayaa cadeeyya in Hindhisado ay tahay waxyaabaha caadiga u dhaca ee ugu halista badan ee qofka banii’adamka. Baadhayaasha ayaa cadeeyay in haddii u qofku isku dayo inuu isku celiyo hindhisada ay cidhiidi gelin karto laabtiisa taasi oo sababi kartaa in xidida dhiiga ee madaxa qaarkood qarxan oo ay qofka ku timaado dhimasho degdeg ah.

Daraasadahani jidhka aadamiga laga sameeyay waxa kale oo ay sheegeen in xadiga birta ah eek u dhiiga qofka ay ku filan tahay in laga sameeyo 5 xabo masaabiir ah.

 

Dhakhaatiirta qalinka ee waayadii hore marka ay qofka rabaan in l a may haysan daawooyinka maanta la siticaalo ee suuxdinta sidaas darted waxay adeegssan in qofka madaxaiis laa garaco gooob cayiman taasi oo keeni jirtay inuu miyir beelo.

 

 

 

Mid ka mid ah Ookiyaalihii uu xiran jiray halgamaagii reer Inida ee Mahatma Gandhi ayaa todobaadka dambe lagu xaraashi doonaa Suuq xaraash oo ku yaalka magaalada Bristol ee dalka Britain.

Shaqaale ka tirsan East Bristol Auctions oo ah xarun agabka qadiimka ah lagu xaraasho ayaa muraayaddaa Isniintii ka helay baqshad ay ku jirtay oo la soo dira

Adrew Stowe oo ka tirsan shirkaddaa xaraashka agabka qadiimka ah ayaa sheegay in muraayadda la filayo in qiimaheedu gaarayo £15,000 waxaanu intaa ku daray in ay tahay wixii ugu muhiimsanaa ee soo mara taariikhda shirkaddaas.

Wuxuu sheegay in qofkii lahaa muraayadda wadnuhu is taagi gaaray markii loo sheegay qiimaha muraayadda.

”Qof ayaa noogu soo diray boostada Jimcihii, oo waxay iskaga jirtay ilaa Isniintii. Mid ka mid ah shaqaalahayaga ayaa bashqadda ii dhiibay oo igu yiri waxa la socda qoraal sheegaya inay tahay muraayaddii Gandhi”, ayuu yiri Stowe.

Leave a Reply