Olole Lagu Dhiraynayo Cusbitaalka Guud Ee Laascaanood

0
826

Dhirtu waa mid ka mida tiirarka ugu muhiimsan ee jiritaanka nolosha noolaha aduunka oo dhan gaar ahaana bini’aadamka oo la rumaysan yahay in ay noloshoodu si toos ah iyo dad-ban ba ugu xidhan tahay.

Faa’iidooyin kala duwan oo xagga nolosha ah ayay aadanuhu ka helaan dhirta,cuntadda aynu cunno gebi ahaanteedba waxay ka timaadaa dhirta. Sidoo kale dharka ama Huga aynu xidhano wuxuu ka yimaadaa dhirta.

Daawooyinka qaaliga ah ee aynu isku daawaynaa waxay ka yimaaadaan dhirta, waxyaabaha kala gedisan ee ay wershaduhu farsameeyaan ee kala  noocyadda ah iyagna waxay ka yimaadaan dhirta. Iyo waxyaabo kaloo fara badan.

Lama soo koobi karro faa’iidooyinka aynu ka helno dhirta, dhinac kastoo aynu ka eegnaba dhirta si toos ayay nolosha bini’aadamku ugu jirtaa, jiritaankoodda. Bilic ayaynu ka helnaa, oo indhaha ayaa ku doogsada.

Waxyaabaha kale ee wakhtiyadan danbe la ogaaday ee aynu dhirta ka helno waxaa ka mid ah in la ogaaday  in dhirtu ay ka qayb qaadato roobka oo si ka duwan meelaha aan dhirta lahayn in uu kaga badan yahay meelaha dhirta leh.

Sidoo kale dhirtu waxay ka qayb qaadataa bilicda dhulka guud ahaana gaar ahaana magaalooyinka oo ay dadku ku il-doogsadaan, isla markaana ay deegaanka ama magaaladda qurux iyo soo jiidasho u yeesho.

Magaalooyinka Somaliland ayaana inta badan la tilmaamaa in aanay dhir fara badan lahayn, sababo badan awgeed. Waxaana sanadahan danbe jiray qorsheyaal lagu dhirayno magaalooyinka dalka.

Qorsheyaashaasi dhiraynta ah oo ay fuliso wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland iyo sidoo kale in dawladaha hoose ee magaalooyinka dalka qaarkood ay fuliyaan.

Hadaba qormadeena todobaadkan ee DEEGAAN JIRRE, waxaynu ku soo qaadan doonaa cusbitaalka guud ee magaaladda Laascaanood oo todobaadkii hore laga fuliyay qorshe lagu dhiraynayo gudaha iyo hareeraha cusbitaalka guud ee Laascaanood.

Waxaana ololahaasi dhiraynta cusbitaalka Laascaanood soo agaasimey ururka Deegaan Cagaaran oo ka shaqeeya arrimaha ilaalinta deegaanka, waxaana beeritsa dhirta kala qayb qaadanayay shaqaalaha kala duwan ee cusbitaalka oo ay hogaaminayso agaasimaha guud ee cusbitaalka Laascaanood Drs.

Sidoo kale waxaa ololahaasi dhiraynta cusbitaalka Laascaanood Khamiistii todobaadkii hore soo kormeeray agaasimeyaasha guud ee wasaaradda caafimaadka, arrimaha gudaha iyo waxbarashadda oo safar shaqo ku joogay gobolka Sool gaar ahaana magaaladda Laascaanood.

Waxaana agaasimeyaasha guud kormeerkaasi ku wehelinayay maayarka Laascaanood C/casiis Xuseen Taarwale. Waxaana agaasimeyaasha guud iyo maayarka Laascaanood halkaas warbixin la xidhiidha dhiraynta ku siisay agaasimaha guud ee cusbitaalka Laascaanood Drs.

Sidoo kale waxaynu isla qormadeenan ku soo qaadan doonaa badhasaabka gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, oo isna isla Khamiistii todobaadkaasi kormeerka agaasimeyaasha guud iyo maayarka ka hor ka qayb qaatay ololahaasi dhiraynta cusbitaalka guud ee Laascaanood. Isagoona badhasaabku geedkii ugu horeeyay halkaas ku beeray.

Masuuliyiintii kormeerka ku tegay cusbitaalka Laascaanood waxaa uga warbixisay qorshahan dhakhtarka lagu dhiraynayo agaasimaha cusbitaalka Laascaanood. Waxaanay masuuliyiinta faahfaahin ka siiyay mashruuca dhiraynta agaasimha cusbitaalka Laascaanood.

Iyadoo arrimahaas ka hadlaysayna waxay tidhi,  “Waxaanu wadnaa dhirayn, aanu dhir ku beeraynaa cusbitaalka weyn ee Laascaanood, oo aanu ugu tallo galnay in aanu 100 geed ku beerno cusbitaalka. Maanta-na (Khamiistii) waxaanu beernay 40 geed oo ka mid ah 100 kaasi geed ee aanu qorshaynay in aanu cusbitaalka ku beerno.

ILLAAHAY SWT ayaa mahad leh in maanta (Khamiistii) uu kormeer noogu yimid agaasimihii guud ee wasaaradda caafimaadka, anagoo wadna mashruucan dhiraynta cusbitaalka guud ee Laascaanood”.

Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, oo kormeerkii ay cusbitaalka Laascaanood ku tegeen ka hadlayay ayaa soo dhaweeyay mashruucan dhiraynta ah ee laga fulinayo cusbitalka guud ee magaaladda Laascaanood.

Waxaanu agaasime Xergeeye, ka warbixiyay muhiimadda ay bukaanka u leedahay in cusbitaalka uu dhir fara badan leeyahay, taasoo uu sheegay in marka qofka bukaanka ahi uu lad-naado in uu u baahan yahay meel qurux badan oo dhir leh, si ay indhihiisu ugu doogsadaan.

Dr. Xergeeye, oo ka hadlayay mashruucan dhiraynta ah iyo faa’iidadda uu cusbitaalka u leeyahay, waxa uu yidhi,  “Run ahaantii maanta (Khamiistii) farxad ayay noo tahay,  in mashruuc ka duwan mashaariicda caafimaadka, oo dhirayn ah. Laakiin, kaabaya uun caafimaadka in aynu cusbitaalka Laascaanood ka dhagax dhigno, oo ah in aynu cusbitaalka dhirayno.

Mashruucaasi ah in aynu cusbitaalka dhiraynaa, wuxuu wax weyn ka tarayaa keliya ma aha uun bilicda. Qofka xanuunsanaya ee cusbitaalka ku jira, marka uu lad-naado, wuxuu u baahan yahay indhihiisu in ay arkaan meel qurux badan”.

Waxaanu intaas raaciyay, “Cagaarka iyo waxyaalaha deegaanka soo jiitaa, waxay qayb ka qaataan qof in nafsiyan iyo jidh ahaanba u bogsado. Waxa kaloo ay wax   weyn ka taraysaa bilicdii cusbitaalka, gaar ahaana magaaladda.

Meeshii la dhireeyo roobka ayaa ku bata, meeshii la dhireeyaa way ka qurux iyo soo jiidashaba badan tahay meelaha kale” ayuu yidhi agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Somaliland.

Geesta kale maayarka Laascaanood C/casiis Taarwale,oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in ay ka dawlad hoose ahaan mashruuc dhirayn ah uga fuliyeen jidka isku xidha cusbitaalka Laascaanood iyo magaaladda inteedda kale.

Waxaanu yidhi, “Waxaa farxad noo ah in aanu maanta halkan dhir ku beerayno, iyadoo hore dawladda hoose ee magaaladda Laascaanood, Waddadan cusbitaalka iyo magaaladda isku xidha ee Hadan Naaleeye AUN loogu magic daray, ay dawladda hoose mashruuc dhirayn ah uga fulisay”.

Dhinaca kale badhasaabka gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, oo ka hor intii aanay agaasimeyaasha iyo masuuliyiinta kale kormeerka ku tegin cusbitaalka Laascaanood si rasmiya u bilaabay mashruucan dhiraynta ah.

Waxaanu 10-kii geedkii u horeeyay ku beeray gudaha cusbitaalka Laascaanood, isagoona barnaamijkan ku tilmaamay mid wax weyn ka taraya bilicda cusbitaalka.

Badhasaabka qoraal kooban oo uu arrintaa kaga hadlayo ku baahiyay bartiisa Facebook, ayaa yidhi sidan,  “Waxaan ku faraxsanahay in maanta (Khamiistii hore) aanu ka bilawnay magaaladda Laascaanood alolaha lagu cagaarinayo cusbitaalka guud ee magaaladda Laascaanood, kaasoo ay iska kaashadeen hirgelintiisa ururka Deegaan Cagaaran, q aar ka mid ah dadka Muxsiniinta ah iyo waliba qaar ka mid ah shaqaalaha cusbitaalka.

Ololahan ayaa lagu beerayay 100 geed. Balse wejigiisa 1aad waxaa lagu beerayaa 60 geed, iyadoo aan anigu kaga qayb qaatay beeristeeda 10 geed oo ka mid ah geedahaa 60 ah.

 

Guddoomiyaha Sool ayaa si gaar ugu mahad celiyay ururka Deegaan Cagaaran oo ololahan sameeyay iyo sidoo kale agaasimaha cusbitaalka Laascaanood oo balan qaaday in ay ilaalin doonaan daryeelka dhirtaasi.

 

“Waxaan bogaadinayaa ururka Deegaan Cagaaran oo hawshan wakhti badan ku bixiyay. Sidoo kale waxaan uga mahad naqayaa agaasimaha cusbitaalka doorka ay balan qaaday daryeelka dhirtan iyo waaribtooda.

Bulshadda gobolka Sool waxaan ugu baaqayaa in 40 ka geed ee ka dhiman 100 geed ee la beerayo in ay uga qayb qaataan” ayuu hadalkiisa ku soo gebagabeeyay badhasaabka Sool.

Leave a Reply