Xildhibaan  Xukuumadda ku Cannaantay Goobaha Caafimaadka Gaarka loo leeyahay ee Dadka lagu furto

0
588

Hargeysa (Dawan) Mudane ka tirsan golaha guurtida Somaliland, ayaa xukuumadda ku cannaantay goobaha adeeg bixinta caafimaadka gaarka loo leeyahay, baadhashada iyo furashada ay bulshada ku hayaan ee danyarta oo aan awoodeyn nin aragtidii kaga iibiyaan qiimahey doonaan intaan baadhis iyo daaweyn la gaadhin.

Xildhibaan Maxamed Weli Warsame ayaa intaas ku daray in loo baahan yahay in dawladu wax ka qabbato sicirka aan xad laheyn ee qof ku araga ah ee goobaha caafimaadka gaarka loo leeyahay ay sharciyeysteen, waxaanu ku taliyay in qiimo go’an oo umaddan danyarta u badani qaadi karrto ay dawladu u goyso.

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata waxaa uu intaas raaciyay in cisbitaalada gaarka loo leeyahay ay bulshada ku hayaan wax aanay waligood ika soo kabaneyn, taas oo uu tilmaamay in qof aan lacag heysan ay doonayaan in aragti  uu 40-dollar ku ugu gallo

Xildhibaan Maxamed Weli Warsame isaga oo arrimahaasi  si dareen taabasho leh uga hadlaya waxaa uu yidhi  “Cisbitaalada gaarka loo leeyahay waxaan waligeed umaddu ka soo kabaneyn ayay dadkii ku hayaan, waxaa ka mida nin aan lacag heysan ayaa gabigiisu 40-dollar ku galaya meel aragti ayuu 40-dollar ugu galayaa shilin uma hadhin waxaa u dheer baadhistii iyo waxyaabihii kale oo dhan”

Sidoo kale xildhibaan Maxamed Weli waxaa uu xukuumadda ugu baaqay in sida sicirka cuntada ay u goyso in ay qiimo go’an u goyso “Waxaan ku talinayaa dawladu sida ay sicirka cuntada u goyso wax la kala iibsan maaye ninba nin arkaye inay sicir u goyso dhakhaatiirta isku mida dhinaca aragtida, bal daawada iyo qaliiinka kale wixii ay nagaga cunayaan ha nagaga cunaane haday doonto 10-kun oo Somaliland shilin ah ha noqoto ama 20-kun oo Somaliland shilin ah ha noqote, ama toban dollare in aan la dhaafin”

Dhanka kale Xildhibaanku waxaa uu ididiilo wanaagsan ka muujiyay adeeg bixinta cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, oo uu tilmaamay in isku si loo daweeyo bukaanka lacagta heysta iyo ka kale. “Cisbitaalka guud waxaa uu cisbitaalada gaarka loo leeyahay uu dheer yahay hadii ay lacagtu ka go’do oo aanad bila kharash tahay, adeeg bixin caafimaad oo bilaasha ayaa lagu siinayaa agaasimaha uunba warqad loo qorayaa qofkaasi wax ma heysto daawadiina waa ka go’day”

Sawirka Xildhibaan Maxamed Weli Warsame Cali kana mida mudanayasasha golaha guurtidda Somaliland oo xukuumadda ku Cannaantay Goobaha Caafimaadka Gaarka loo leeyahay ee Dadka lagu furto

Halkan ka Daawo

 

Leave a Reply