Warbaahinta Hong Kong oo Faalleysay Cilaaqaadka Somaliland iyo Taiwan

0
630

Hargeysa(SOLNA)- Warsidaha South China Morning Post oo laga leeyahay Hong Kong, ayaa daabacday warbixin uu kaga hadlay Cilaaqaadka saaxiibtinimo ee dalalka Spmaliland iyo Taiwan, kaasi oo ciwaan uu uga dhigay “Sidee ayey Taiwan ku heshay saaxiibtinimada cusub ee Somaliland oo ku taal Afrika”.

Wakaaladda Wararka ee SOLNA, ayaa soo xigatay warbixintaas oo lagu sheegay inay yihiin laba dawladood oo aan la aqoonsan, hase ahaatee dimuqraadi ah,kuwaasi oo hamigooda caalamiga ah isku garabsanaya.

Warsiduhu wuxuu xusay in Somaliland iyo Taiwan ay bishii July kala saxeexdeen heshiis ay ku abuureen inay isdhaafsadaan laba safaaradood.

Masuuliyiin ka tirsan Taiwan ayaa laga soo xigay inay tallaabo wax ku ool ah ku sifeeyeen iskaashiga ay la yeesheen Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxa kaloo warbixinta Warsidaha South China Morning Post tilmaantay in Taiwan ay 15 dal ku leedahay diblomaasiyiin, iyadoo muddooyinkan dambe ay isa soo taraysay in Maraykanku saacidayey isla markaana dabada ka riixayo in Taiwan iskaashi siyaasadeed la yeelato dalal badan oo caalamka.

Alexander Huang Chieh-cheng, oo ah barre jaamacadeed xidhiidhka caalamiga ah ka dhiga jaamacada Taipei Tamkang University, ayaa sheegay in Wakiilka Taiwan ay ku yeelatay JSL uu xoojinayo joogitaankeeda Qaarada Afrika.

Leave a Reply