Safiirka Cusub ee Itoobiya u Soo Magacowday Somaliland oo Hargeysa Yimi.

0
1114

Hargeysa (Dawan) – Waxa Magaalada Hargeysa soo gaadhay Wakiilka cusub ee Dawladda Federaalka Itoobiya u soo Magacowday Somaliland, Amb. Siciid Maxamed Jibriil.

 

Wakiilka cusub ee Itoobiya ayaa Axaddii doraad ka soo degay Garoonka diyaaradaha Hargeysa ee Cigaal, waxaana halkaa kaga hor-tagay oo soo dhaweeyay Saraakiil ka mid ah Wasaaradda Arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland.

 

Wakiilka cusub oo laga soo ambo-bixiyey Caasimadda Addis Ababa ayaa si rasmi ah u bilaabaya shaqadiisa diblumaasiyadeed, maaddaama oo uu soo cago-dhigtay Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

 

Amb.Siciid Maxamed Jibriil  ayaa beddelaya Wakiilkii hore ee Dawladda Federaalka Itoobiya u joogay Somaliland Amb. Shamsudiin Axmed Rooble, kaasi oo muddo dheer shaqada ka sii maqnaa, inkasta oo Xafiiska Itoobiya ee Hargeysa uu si wanaagsan u shaqeeyo.

 

Leave a Reply