Dhahar: Xukuumadda Somaliland oo kun iyo laba boqol oo Qoys Raashin Gaadhsiisay

0
498

Dhahar (Dawan) Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa kaalmo raashin ah gaadhsiisay degmada Dhahar ee gobolka Badhan, raashinkaasi oo loogu tallo galay kun iyo laba boqol oo qoys oo ka mida dadka degaanka, gaar ahaan macalimiinta kala duwan ee iskuulada dawladda, dugsiyadda gaarka loo leeyahay iyo macalimiinta Qur’aanka.

Kaalmadan oo uu degmada gaadhsiiyay wasiir ku xigeenka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka mudane Sahal Maxamed Jaamac, islamarka ay u wakiisheen guddida ka hortaga xannuunka safmarka ah ee Karoona-fayras.

Dhinaca kale maamulka degmada Dhahar iyo macalimiinta kaalmadu gaadhay ayaa xukuumadda Somaliland uga mahad celiyay gacanta ay u fidiyeen, islamarkaana ka codsaday in baahiyahooda kale ee jirana wax laga qabto.

Ugu horeyn wasiir Sahal oo ka hadlaya kaalmada uu wareejiyayna waxaa uu yidhi. “Waxaan goobtan u imid in aan duqa magaalada Dhahar iyo taliyaha booliska ku wareejiyo raashinkii covid19-ka, kaas oo ay ugu deeqeen guddida heer Qaran ee ka hortagga xannuunka Covid-19 oo uu guddoomiye u yahay madaxweyne ku xigeenka Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), macalimiintii laga kala diray malcaamahadaha Qur’aanka iskuulada iyo dugsiyada gaarka loo leeyahay, maanta waxaan doonaya in aan kun iyo laba boqol oo qoys raashinkood ku wareejiyo duqa magaalada Dhahar, tuulooyinku waa mar danbe laakiin imika waa degmada Dhahar, innagu sidii leynoogu dhiibay ayaynu ugu wareejinaynaa duqa iyo taliyaha iyagana ayaana ka masuul ah, iyagana ayaana gaadhsiinaya ciddii ay khuseysay”

Duqa degmada Dhahar Cabdirashiid Ducaale Cali oo ka hadlay baahiyaha degmada ka jira iyo kaalmada la gaadhsiiyay ayaa yidhi. “Baahiyaha degmadu wasiir waa badan tahay waa degmadaadi, wixii aad keentayna waanu kaa guddoonay wixii maqan oo kalena waynu iska wareysaneynaa wixii baahiyahayaga ahna qoraal ayaanu kuugu soo guddbin doonnaa, madaxweynaha iyo xukuumadda ayaad naga gaadhsiin doontaa, waa rejaynaynaa in wixii dhiman sidii horeba ay wax noogu qabteen imikana ay noogu qaban doonaan”

“Waxaan joogna Dhahar waxaa na soo gaadhay deeq raashina, taas oo guddida ka hortaga xannuunka covid-19 ay noo soo direen, anigo ka mida macalimiintii Qur’aanka ee ay malcaamaduhu ka xidhmeen xannuunkii safmarka ahaa Karoone awgii, imika kaalmadaasi waa ay na soo gaadhay oo macalimiintu ay busaaradsadeen”Ayuu yidhi mid ka mida macalimiintii ardayda Qur’aanka barayay ee uu saameyay xannuunka safmareenka ah ee Karoona fayras.

 

Leave a Reply