Xildhibaan ku Boogaadiyay Xukuumadda Talaabooyinka Diblomaasiyadeed ee ay Qaaday

0
424

Hargeysa (Dawan)- Xildhibaan Maxamed Xuseen Xaaji Ciise oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiilada ayaa ku boogaadiyay Xukuumadda Somaliland talaabooyinka Diblomaasiyadeed ee ay qaaday.

Maxamed Xuseen Xaaji Ciise oo shalay u waramayay Wargeyska Dawan ayaa waxa uu sheegay in uu soo dhawaynayo Cilaaqaadka iyo Xidhiidhka u bilaabmay Somaliland iyo Taiwan, waxaana uu intaasi ku daray in ay tahay tallaabo fiican tahay oo xaga Diblomaasiyadda loo qaaday xidhiidhkaa labada Dawladood u bilaabmay.

Maxamed Xuseen Xaaji Ciise oo arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waa arrin fiican haddii Somaliland saaxiibo ku yeelatay Wadamada Caalamka, waxaana la doonayaa in Somaliland Saaxiibo badan yeelato, waana talaabo fiican in Xidhiidh Somaliland la yeelato Taiwan, waana soo dhawaynayaa Cilaaqaadkaa iyo Safaarada ay ka furteen Somaliland dalka Taiwan, waana Wadan dhaqaale leh oo reer Galbeedka ay isku xidhan yihiin, waxaanay kor u qaadaysaa Xidhiidhkaa Somaliland Taiwan la yeelatay xaga Dhaqaalaha, Amniga iyo Xaga Tignoolajiga Xidhiidh fiican ayaan ka yeelan karnaa”.

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Waxaana ugu muhiimsan Diblomaasiyadda iyo xidhiidhka dhaqaale, Tignoolajiyaddana aad ayaa ugu horeeyaan Taiwan, Siyaasada Arimaha dibada Somaliland firfircooni ayaa gashay, taasina waxa ay keenaysaa in Caalamka oo dhami is waydiiyo Somaliland oo Xidhiidho badan Caalamka la Samaynayo, Wasiirka Arimaha dibada waan ku Boogaadinayaa sida uu dadaalayo iyo Talaabooyinka fiican ayuuna qaaday Wasiirka Arimaha Dibada”.

Xildhibaanka ayaa waxa kale uu sheegay in dano badani ka dhaxeeyaan Somaliland iyo Itoobiya. waxaana uu yidhi “Wadanka Itoobiya jaar ayaynu nahay, mana kala maaranno, Somaliland ayay iskaga dhawyihiin Soomaaliya, dano badan ayaa inaga dhaxeeya oo Ganacsi iyo dhaqan. Somaliland waa u diyaar in la sii Xoojiyo Xidhiidhka inaga dhaxeeya”.

Sidoo kale Xildhibaanku ayaa waxa uu Sheegay in boqol kiiba siddeetan ay dhamaatay Balaadhinta Shirkada DP World ku Samaynasay Dekeda Berbera. waxaana uu yidhi “Balaadhintii lagu samaynayay Dekeda Berbera boqolkiiba Sideetan waa dhamaatay hore ayaan u dhamaan la hayd ee waxa hakiyay Xanuunka Coranavires,Sannadka dabayaaqadiisa ayaana lagu wadaa in wax waliba dhamaadaan wadadii isku xidhaysay Berbera ilaa Wajaale si fiican ayaa u socotaa,”.

Leave a Reply