Malaha Xumi Wanaag Kasta Wuu Baabiiya

0
580
  • Khaladka ugu weyn ee qofku gala waa isagoo aamina in aanu khaldamayn
  • Marka aad la socoto tareenka murugada si kasta oo wakhtigu u dheeraado, waad gaadhi istaanka farxadda , sidaa awgeed malaha iyo kalsoonida wanaaji Allah (sw) isku xidh.
  • Gudaha badda madow , iyo caloosha Nibriga waxa jira Rajo, mar kasta wanaag filo.
  • Dhallishaadu yaanay baabiin niyaadaada adag , laakiin u arag mid ku tusaysa gefafkaaga.
  • Malaha xumi wax kasta oo wanaagsan ayuu burburiya.
  • Qisada noloshaadu waxay ka kooban tahay cutubyo badan, haddii mid xun yahay , kuwa badan ayaa wnaagsan
  • Akhri si aad xaqiiqda u ogaatid, akhri si aad taariikhada warkeeda u gaadhid , akhri si aad warka dhabta u aragtid, Akhri si aad iska bedesho warka saxaafadda kiraysan.
  • Werwerku waa sidii qof ku fadhiya Kursi leexo ah oo hadba meel gaadhaya , kaasi oo aan meelna ku sugnaanayn.
  • Kuwa ka cabanay Risiq yaraan, nasiib xumo iyo nolol hoose, khasanadohoodu way buuxaan waan Qani, laakiin waxay waayeen mafaatiixda Niyad wanaagsanida, Sabirka iyo Iimaanka

 

Leave a Reply