Mar Kasta Waxa Jira Qof Ka Liita!

0
389

Waxaan rumeysanahay inaan gacan ka geysanayo taageerida saboolka dadka madow anigoo ku riixaya naftayda iyo kuwa kaleba inaan dib ugu soo celiyo bulshada. Si kasta oo ay tahay xaaladaadu, marwalba waxaa jiraya qof ka sii liita xagga nolosha.  Taageerada qofkaas waxay noqon kartaa dareenka ugu abaal gudka fiican uguna badan.

Mr. Andre McDonnell waa nin Maraykan ah oo ku caawiya derbi jiifka kabo ay xidhaan. Waxaana uu sameeyay xarunta uu u bixiyay “It’s From the Sole” oo ah waxay ka timi Sole. Isagoo ka hadlaya sida uu bilaabay waxa uu yidhi : “ Maalin anigoo ka imi kubbadda kolayga oo aan ciyaaray ayaa nin cagaagan oo derbi jiif ahi I weydiistay inaan kabo siiyo, waxaana aan u saaray kabahaygii. Laakiin markii aan ka tegay ee socday waan dhaqaaqi kari waayay xanuunka kabo la’aanta, waa halkaasi meesha aan ka bilaabay inaan sameeyo hay’ad samafal oo caawisa derbijiifka deegaank,a Brooklyn ee magaalada Newyork sanadkii 2012.

Andre Mcdonnell waa imika waa aasaasaha ” The Sole ”, hay’ada samafal ah oo ujeedadeedu tahay in kabo loo xidho kumaan kun oo qof oo bilaa hoy ah magaalada. Waaxda Adeegyada derbijiifka ee deegaankan ayaa sheegtay inay jiraan 16,000 oo dad ah oo guri la’aani ku hayso Brooklyn. Waxaana uu qaybiyay muddo kooban 600 oo beer oo kabo ah. Waxa Andre astaan u ah odhaahdiisa waa :“ Deeqa ka timi qalbi naxariis leh, oo ku socota lagu ku dhibtooday socodka”.,

Leave a Reply