Hargeysa (Dawan) Suleekha Carab Cabdi, oo 33 jir ah waxay bishii Juun ka tagtay shaqadeedii mudada dheer ee ahayd adeegto guri, kadib markii qoyskii ay u shaqaynaysay ay iska bixin kari waayeen mushaarka ay qaadato oo ahaa 60-dollar, sababtoo ah xaaladda faafidda Karoonaha fayrus, waxay xilligan maalmaha khamiista iyo jimcaha isku daydaa in ay hesho shaqo dhar-dhiqid ah oo ay deriska ka raadsato si ay uga hesho biilka qoyskeeda.
Shaqadeedu waxay ahayd nadiifinta guri weyn oo ay qaban jirtay saacado kooban maalintii, laakiin dadkii ay u shaqaynaysay ayaa awoodi waayay in ay iska bixiyaan lacagta.
Waxay Raadiyo Ergo u sheegtay in ay jiraan gabadho badan oo sideeda oo kale shaqo la’aan ah, balse iyaga waxaa u dheeraa culaysyo shaqo iyo mushaar yari dhalatay Karoonaha “Tacadi badan ayay qabaan hablaha guryaha ka shaqeeya, markaasna dadku qofka u shaqeynaya ma daneeyaan, iguma filna 60-ka dollar oo shoobinkaygaba maaha”
Ururro maxali ah oo ka hawl-gala Hargaysa ayaa dhowaan bilaabay in ay wacyi-gelin ka sameeyaan tacadiyada ka dhanka ah haweenka adeegtooyinka ah ee guryaha ka shaqeeya, si loo dhimo culaysyo shaqo iyo xad-gudubyo ay ka mid tahay in xuquuqdooda loo diido oo siyaaday intii lagu jiray xaaladda faafidda Karoonaha fayruska, wakhtigaas oo ardaydii iyo dadkii shaqooyinka tegi jirayba ay intooda badani noqdeen kuwo inta badan guryaha jooga.
Helitaan la’aanta mushaarka waxaa hablahan u dheer inuu ka soo daaho oo ay xuquuqdoodii wakhti kale sugaan iyadoo qaarkoodna hoos loo dhigay mushaarkoodii billaha ahaa, maadama dhaqaale xumidu ay saamaysay qoysaskii loo shaqaynayay. Xamda Maxamuud Axmed oo ah adeegto 24 jir ah oo mushaar 60 dollar ah oo ay ka hesho shaqada, waxaa ay ku caawin jirtay qoyskeeda oo ka kooban 12 ruux ayaa Raadiyo Ergo u sheegtay in iminka ay dhibaato weyn ku qabto shaqo maalmeedka, bilahan dambe ee karoonuhu jiro.
Waxay awalba shaqayn jirtay in ka badan 10 saacadood, hadase waxay shaqada guriga ku gaartaa gaartaa ilaa saqda dhexe “Shaqada markii hore aan qaban jiray waxaa ay ahayd mid xaddidan, balse imika inta badan waa la wada joogaa, waxaa ay noqonaysa qof walba goortu hurdada ka kacayay in aan sugo”
Suleekho Carab Cabdi oo 14 sano oo khibrad ah u leh shaqadan iminkase culayska soo kordhay darteed shaqada adeegista guryaha isaga tagtay, waxay Raadiyo Ergo u sheegtay in ay aragtay gabdho la kulmay tacadiyo galmo shantii bilood ee ugu dambeeyay.
Dhibaatada kale ee ay Suleekho ka walaacsan tahay ayaa ah in adeegtooyinka la kulma dhibaatadaas jinsi aysan cidna u sheegin dhibtooda oo ay iska aamusaan “Waxaan arkay gabadho lagu dhex kufsaday guryihii ay ka shaqeynayeen, muxuu noqonayaa mustaqbalkoodu. Wey iska han dhacaysaa oo meelahaasi ayay iska xoog xoogsaneysaa, shaqadiina nolol maalmeedkeeda iyo caqabado dhinaca reerka ah ayaa ku xidhan”
Gabdhahan adeegtooyinka ah ma helin mushaar kordhin xilligan adag ee shaqooyinka iyo wakhtiga shaqada lagu jiraaba uu ka batay intii hore, arrintaas ayaa kordhisay gabdhaha shaqada isaga tegaya xilligan.
Faa’isa Aw-Cali Yuusuf oo ah gudoomiyaha ururka horumarinta dhalinayada Soomaalilaan ee SOYDA (Somaliland Youth Development Association) oo iyagu ka mid ah ururrada bulsho ee wada dadaalada lagu doonayo in lagu dhawro xuquuqda adeegtooyinka Hargaysa xilligan karoonaha ayaa sheegtay in ay si gaar ah isha ugu hayaan arrintan ilaa bishii maajo, iyagoo hablaha ka caawiya in ay helaan talooyin sidii ay caqabadaha cusub u wajihi lahaayeen iyo adeegyo sharci oo ay ka mid yihiin in ay ka difaacaan maxkamadaha hortooda.
“Ciddii ku tacadida ama ku xadgudubta ama aanu u aragno in aanay hablahaasi siineyn wixii ay xaq u lahaayeen ayaanu inta badan kala shaqaynaa, inta badanna sulux ayaanu ku daynaa in aanu ku dhammeyno balse hadii ay waxba ka qaban weydo dhanka maxkamadaha iyo looyaro aanu u qabano oo hablaha xuquuqdooda u dooda”Ayay tidhi Faa’isa
Xal u helid la’aanta dhibaatada ay wajahaan gabdhaha adeegtooyinka ahi waxaa qayb ka ah in marka horeba aysan heshiis shaqo oo qoran la gelin qoysaska ay u shaqaynayaan, sida uu qabo qareen Ibraahim Khadar Siciid oo Hargaysa ka hawl-gala.
Wuxuu sheegay in qoysasku ay xiliga shaqaalaynta muhiimada siiyaan oo keliya hadii gabadhu dhib-geysato ciddii ay u raacan lahaayeen oo ah in la helo qof damiin ah “Heshiis in hablahan lala gallo xuquuqdeeduna ku cad yahay waa wax muhiima – Tusaale ahaan wasaaradda shaqo-gelinta iyo arrimaha bulshada iyo cidkasta oo arrintani khusesya ay u saarto cid iyo xafiis heshiiskaasi nuqul ka mida la geeyo, ama lala daba socda waa arrin mihiima, waayo xuquuqdoodu waa ay ku sugmaysa”