Shiinaha oo Hanjabaad ka soo saaray Xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan

0
495

Wakiilka Taiwan Lou Chen-hua(bidix) iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland Yasin Xaaji Maxamuud

Qoraalka sawirka,Wakiilka Taiwan Lou Chen-hua(bidix) iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland Yasin Xaaji Maxamuud

Dowladaha Shiinaha iyo Soomaaliya ayaa aad uga cadhooday tallaabada ay xidhiidhka diblomaasiyadeed ku sameysteen Taiwan iyo Somaliland.

Jamhuuriyadda iskeed madax-bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland iyo Taiwan oo sheegata inay ka xorowday Shiinaha ayaa 17-kii bishan wada saxiixday heshiis dhinacyo kala duwan ah, waxayna xafiisyo ku kala sameysteen labada caasimadood, sida ay shaacisay warbaahinta CNA.

Tallaabadaas ayaa si aad ah uga cadheysiisay Shiinaha iyo Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda ee dowladda fedaraalka Axmed Ciise Cawad ayaa Taiwan ka dalbaday in ay ka digtoonaato ku xadgudubka qarnnimada Soomaaliya.

“Gobolka Shiinaha ka tirsan Waxaanu rabnaa inaan u sheegno inaysan dalka Soomaaliya, qarannimada Somaaliya iyo midnimada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed inaysan ku xadgudbin,” ayuu yiri Mr Cawad.

Sidoo kale dowladda Shiinaha ayaa Talaadadii muujisay inay si weyn uga soo horjeeddo xiriir kasta oo rasmi ah oo ay wadaagaan Taiwan – oo ay u aragto gobol iyada ka tirsan – iyo Somaliland.

“Waxaa caalamka ka jira hal waddan oo Shiinaha loo yaqaanno, gobolka Taiwan wuxuu ka tirsan yahay dhulka Shiinaha,” ayuu yidhi afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha, oo lagu magacaabo Zhao Lijian.

“Halka dal ee Shiinaha, oo laga wada yaqaanno dunida, ayaa sameysan kara xiriirrada caalamiga ah, taasina waxay waafaqsan tahay xeerarka lagu heshiiyay ee beesha caalamka,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sidoo kale ku hanjabay: “Isku day kasta oo ay Taiwan u sameyso kala qeybinta Shiinaha wuu kuul darreysan doonaa.”

Dadka wax falanqeeya ayaa aaminsan in xukuumadda Beijing ay maamulka Taipei u oggol yihiin oo kaliya inay wadashaqeyn dhinaca ganacsiga ah la sameeyaan dalalka kale, balse ay kasoo horjeedaan inay xiriir diblomaasiyadeed sameystaan.

Hase yeeshee, waxaan meesha ka madhneyn in Shiinaha uu saameyn weyn ku dhex leeyahay Afrika, uuna doonayo inuu maamulo xidhiidhada ganacsiga iyo kuwa diblomaasiyadda labadaba.

Waxaa xusid mudan in dowladda Shiinaha ay saldhiggeeda kaliya ee ka baxsan waddankeeda gudihiisa ku leedahay dalka Jabuuti, oo daris la ah Somaliland.

Taiwan waxay xiriir rasmi ah la wadaagtaa 15 waddan oo kaliya, sababta aysan diblomaasiyaddeeda heer fiican u gaarsiisneynna waxaa saldhig u ah cadaadiska ay kala kulanto dowladda Shiinaha, sida ay shegetay wakaaladda wararka ee Reuters.

Marka la eego dhinaca qaaradda Afrika, waxaa horay Taiwan xidhiidh diblomaasiyadeed ula sameystay waddan yar oo lagu magacaabo eSwatini, kaasoo ku yaalla dhinaca koonfureed ee qaaradda.

Taiwan waxay Somaliland u aragtaa dal madax bannaan

Somaliland, oo dalal badan ay u arkaan “inay wali qeyb ka tahay Soomaaliya”, ayaa kusoo biirtay dhaqdhaqaaqyada diblomaasiyadeed ee Taiwan ay hadda ka sameyneyso Afrika.

Xidhiidhka diblomaasiyadeed ee Taiwan iyo Somaliland ayaa ka cadheysiiyay Shiinaha iyo Soomaaliya

Laakiin wasiirka Arrimaha dibadda ee Taiwan, Joseph Wu, ayaa sheegay in Somaliland ay tahay dal madax bannaan.

“Waxay ila tahay in waxa aan sameyneyno uusan sidaas uga sii duwaneyn ficillada ay sameeyaan dalalka kale,” ayuu yiriMr Wu, oo sheegay in Somaliland ay madax-bannaanideeda ku dhawaaqday sanadkii 1991-kii, kaddibna ay ka dhaceen ilaa saddex doorasho oo madaxweynenimo.

“Dalal badan ayaa u aqoonsan Somaliland inay tahay waddan xor ah, dimuqraaddi ah, oo ku yaalla Afrika. Sidaas awgeedna annagoo taasi waafaqeyna ayaan leenahay, Somaliland waa dal xor ah,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Dad badan waxay isweydiinayaan tallaabada xigta ee ay Shiinaha iyo Soomaaliya qaadi doonaan.

Ciidamo milatari caalami ah, oo ay qeyb ka yihiin kuwa dalka Shiinaha, ayaa kormeer joogto ah ka sameeya biyaha Soomaaliya, iyagoo howshoodu ay tahay sidii ay uga hortagi lahaayeen falalka burcad badeednimada.

Shiinaha iyo Taiwan ayaa muddo sannado badan ah isdhaafsanayay eedeymo farabadan. Taiwan waxay dadaal muddo dheer socday ugu jirtay inay ballaadhiso galaangalkeeda diblomaasiyadeed ee dibadda, waddamo badan ayaana wax hal mar ka badan u muujiyay inay xiriir la sameystaan.

Waxaa kale oo ay u xusul duubeysaa inay aqoonsi caalami ah hesho.

“Waxa waajibka nagu ah inaan sameyno uma joojin doonno cadaadiska naga heysta shiinaha dhankiisa awgiis,” ayuu yidhi wu

Leave a Reply