Guddoomiyaha Maxkamadda sare oo sheegay in ay si dhakhso ah go’aan uga soo saarayaan Xeerka Doorashada

0
424

Hargeysa(Dawan)-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa sheegay in sida dhakhsaha badan Maxkamaddu go’aan uga soo saari qarraar uu Madaxweynuhu u soo gudbiyay oo la xidhiidha qaabka lagu geli doono Doorashada Golaha Wakiillada, kaasoo salka ku haya hannaanka saami-goboleedyada metellaada aqalka Wakiillad.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa dhawaan Maxkamadda sare u gudbiyey gal ku saabsan saami-qaybsiga golaha Wakiillada, si ay wax ka bedel sharci ugu samayso Maxkamaddu.

Maxkamadda sare oo ayiday xeerkii lagu galay Doorashadii Golaha Wakiillada ee sanadkii 2005-ka ee Xeer lr 20/2/2005, kaasoo jidayaynayay in doorashada Golaha Wakiillada lagu galo hal mar qaabkii lixdankii loo qaybiyay kuraasta Golahaasi, wixii ka danbeeyana wax-ka-bedel lagu sameeyo, kaddib markii Madxweynihii wakhtigaasi u gudbiyey, ayaa Guddoomiye Aadan Xaaji Cali oo waraysi siiyey Telefishanka Saab Khamiista maanta waxa uu sheegay in sida ugu dhakhsaha badan u soo saari doonaan go’aan, si doorashadu dalka uga qabsoonto xilliga loo qoondeeyay.

Guddoomiyaha oo ka waramay qaraarka Madaxweynuhu u soo gudbiyay ayaa yidhi “ Wax kale oo doorashada la xidhiidha oo ay Maxkamadu haysaa ma jirto ama uu Madaxweynuhu u soo gudbiyay. Doorashadu way dhinacyo badan tahay, laakiin waa qodobkaa dabraya, sheegayana in habkaa hal mar lagu galo, wixii ka danbeeyana la badalo. Markaa si ay u furnaato in nidaamkan saami qaybsiga ee barigii hore lagu galay mar labaad lagu gali karo, si ay u furnaato haddii nidaam ka duwan la helana lagu gali karo si ay u furnaato ayaa dacwadda Maxkamadda Dastuuriga loogu soo gudbiyay ”

Guddoomiyaha oo la waydiiyay muddo kordhinta Golaha Wakiilada ee Golaha Guurtidu sameeyay iyo heshiiskii saddexda Xisbi Qaran ayaa sheegay in Golaha Guurtidu awood u leeyahay in ay kordhiyaan muddada Golayaasha Qaranka, halka Xisbiyadu ay leeyihiin door soo jeedineed.
Guddoomiyaha oo arrintaa ka hadlayaana wuxuu yidhi. “ Waxa dhaqan gal ah oo Dastuuri ah, muddada ay Golaha Guurtidu u kordhiyeen Golaha Wakiilada iyo Golahooda, waayo waa hay’adda Dastuuriga ah ee arrintaa leh ”

Mar Guddoomiyaha wax laga waydiiyay arrinta kootada Haweenka iyo Beelaha la hayb sooco, waxa uu xusay in arrinta la xidhiidha kootada Haweenku aanay ahayn masalo sharci ee ay tahay mid xeer taasina ay tahay shaqooyinka Golaha sharci dajinta, waxaanu Guddoomiyuhu cadeeyay in aanay Maxkamadda Sare hor oolin, dacwadda Madaxweynuhu u soo gudbiyayna aanay ku jirin, arrimaha la xidhiidh muddo kordhinta iyo kootada haweenka iyo beelaha la hayb-sooca toona.

Ugu danbayn Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Garyaqaan Aadam Xaaji Cali waxa uu talo u soo jeediayay dhinacyada ay khusayso doorashadu iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland waxaanu ku booriyay in ay marwalba danta guud iyo masaaliixda caamka ah ilaaliyaan.
Guddoomiyaha ayaa carabka ku dhuftay in Somaliland wanaaga, horumarka iyo guusha gobolka Geeska Afrika lagaga majiiranayo ay ku gaadhay is-qancin iyo isku tanaasul, waxaanu kala saafay guddoomiyuhu masuuliyada siyaasiga ah iyo ta sharciga ah ee ay kala leeyihiin Hay’addaha Qaranku.

Isagoo arrintaas ka hadlaya waxa uu yidhi “ Masuuliyada siyaasadu cidbay saarantahay sida ta sharciga ee Dastuurka iyo fasiraadu Maxkamadda Dastuuriga u saarantahay. Ta siyaasaduna cidbay saaran tahay Madaxweynahaa hogaamiya. Arrinta doorahaduna saddexda xisbi iyo cidii ay la tashanayaan ayay saaran tahay, waxaanan filayaa in ay ku guulaysan doonaan oo ay si fiican u socoto, imikana ay iska gabo-gabo tahay ”.

Leave a Reply