Xudduudihii xidhnaa ee Dalka Mali oo Maanta dib loo Furay

0
523

Saraakiisha ciidamada ee la wareegay xukunka dalka Mali ayaa ku dhawaaqay in maanta la furay xudduudaha dhulka iyo cirka ee dalkaas.

Xudduudaha ayaa la xidhay kaddib afgembigii toddobaadkan ka dhacay Mali.

Hoggaamiyeyaasha afgembiga ayaa sidoo kale sheegay inay wada hadal kula jiraan madaxda mucaaradka oo ay kala hadlayaan soo magacaabidda madaxweyne ku meel gaadh ah.

Hoggaamiyeyaasha Afrikada Galbeed ayaa sii wada baaqooda ku aaddan in si degdeg ah loo soo celiyo madaxweynihii xukunka laga tuuray, Ibrahim Boubacar Keïta.

Urur-goboleedka Ecowas ayaa isaguna sheegay inuu ergo u dirayo Mali si loo soo celiyo kala dambeynta dastuuriga ah.

Mucaaradka ayaa ku baaqay isu soo bax maanta qabsooma kaas oo lagu taageerayo afgembiga.

Leave a Reply