Fashilka Faaliye Geeridiisa Sheegay!

0
898

Waxa uu  dhashay  faaliyaha Talyaania ah ee Mr.Geronimo Cardano bishii September 21, sanadkii 1501, waxaana uu qayb weyn ka qaatay wakhtigii fufuka ee horumarinta aqoonta lagu jiray, gaar ahaan  Xisaabta oo uu aad u yaqaanay, Sayniska qaybihiisa kala duwan, sida Fisigiska, Bayolajiga, Kimistariga, falsafadda iyo xidigiska oo xariif ku ahaa.

Waxa uu ahaa nin ka faalin jiray xidigaha, oo lahu iman jiray,  waxa kale oo uu ahaa qoraa sare iyo nin khamaarka aad ciyaara.  Gerolamo waa mid ka mid ah raga ugu horeeyay ee ku suntan soo saarista xisaabta itimaalka (Probability). ( xisaabta loo aeegsado suuratgalanimada shay ku dhici karo)  Waxa uu ahaa nin faalka xidigiska aad ugu dheereeya madaama uu xisaabta itimaalaka laftigeedu saadaal tahaya, taasi oo sababtay inuu xataa faaliyo maalinta uu dhimanayo waxaana uu sheegay inuu dhiman doono maalinta ay bisha September ay tahay  21 sanadka 1576.                     (Source: ( math.wichita.edu)

Waxase yaaba noqotay in maalintaasi markii la gaadhay uu ahaa qof aad u caafimaad qaba oo haba yaraate aanu wax xanuun ah dareemayn, sidaa awgeed isla maalintaasi ayuu cabay koob sun ah oo sababatay dhimashadaiisa, si uu xaqijiyo in sadaashiisu run tahay iyo in aanu khaldin faalka ay dad badan ka rumaysan jireen ee xidhiidhka la leh itimaalka.

Leave a Reply