Deeqsi Bakhayl U Muuqday

0
625

Dhakhtar ku takhasusay burooyinka kansark,u keeno oo ka shaqaynayay Isbitaalada Dawladda ee Latin America oo lagu magacaabi jiray Dr.Merchan Transesco ayaa lagu naanays jiray ninka dunida ugu bakhaylsan.  Ninkan ayaa xidhan jiray dharka iyo kabaha nooca ugu jaban.

Maalin ay ciid ahayd ayay saaxiibadii usoo iibiyeen dhar cusub si uu u xidho maalinta Ciidooda. Laakiin waxa saaxiibadii aad uga yaabisay in maalintii shaqada lagu soo noqday uu xidhnaa dharkiisii hore ee duuga ah, waxaana ay ogaadeen in dharkii ay u iibiyeen uu ku iibiyey dhinaca Internet-ka.

Haddaba markii uu dhintay waxay ogaadeen inuu ninkani ahaa ninkani ka mid ah dadka sadaqada ugu badan siiya hay’adaha daryeelka caruurta darbi jiifka ah, dadka xanuunada kansarka qaba ee isbiataalada jiifa.

Waxaana hantida uu bixyay ay gaadhay 21 milyan dollars, waxa kale ooo biixyay gurigiisa, xaruntii cafimaadka ee uu isagu lahaa, gaadhigiisa kuwaasi oo dhamaantoodu ugu deeqay hay’ado ka sheqeeya bulshada dhibaataysan.    (findglocal.com)

Leave a Reply