Degdegu Natiijo Fiican Ma Keeno!

0
424

Markii la soo sheegay geerida aabahood oo ahaa nin maalqabeen safarna ku maqanaa, ayay ubadkiisuna isu diyaariyeen in xoolihii la dhaxlo.  Wiilkii u weynaa ayaa ku yidhi yaynaan dhaxalka xoolaha ku degdegine aan horta tacsida dhigno, todobaad ka dibna xoolaha aan qaybsano.   Arinkaasi waxa diiday ubadkiisa intii kale oo dhan, waxayna u tegeen maxkamadda oo ay ka soo qaadeen waaran loogu yeedhayo wiilka.

Markii uu arkay in maxakamadda looga yeedhay ayuu nin caaqil ah oo deegaanka ah weydiiyay wuxu sameeyo, ninkaasi ayaa ku yidhi miyay caruurtiina midkoodna la joogay markii aabahood dhintay? Waxaana uu ku jawaabay maya. Sidaasi u sheeg maxkamadda.

Markii maxkamadda la isugu yimi ayuu xaakinkii waydiiyay sababta uu u diiday in la dhaxlo xoolaha aabihii. Waxa uu ku jawaabay maan diidin waxaan ku idhi aan tacsi dhigno, ka dibna aan qaybsano, iyaga midkoodna ma joogin meeshii aabahood ku dhintay, waxay ahayd dhinaca kale hubsasho.

Xaakinka ayaa waydiiyay inay joogeen geerida aabahood. Waxayna yidhaadheen maya. Ka dibna wuxu ugu jawaabay ilaa inta cadayn rasmi ah laga helaayo ma jiro xoolo la dhaxlayaa.  Waxa u wanaagsnayd inay todobaadka walaalkood sugaan oo sabraan, laakiin taasi waxa diiday damaca degdeg ah ee aduunyo doonka ah.

 

Leave a Reply