Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland oo  Tabobar U Furay Konton Faras

0
718

Wajaale (Dawan) Taliyaha ciidanka booliska Somaliland sareeya guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale), ayaa mashruuca banka Wajaale ka daahfuray tababarista ama jareynta konton oo ka mida fardaha bankaasi ee ciidamada booliska, kuwaas oo loo carbinaayo ku shaqaynta ciidamada Booliska.

Sidoo kale Taliyuhu waxaa uu  sheegay in ay doonayaan inay kor u qaadi doonaan tabobarka Fardaha goobtan jooga, isla markaana ay Banka Wajaale ka dhigi doonaan saldhiga Fardaha ee ciidamada, waxaanu tilmaamay in ay macalimiin cusub oo tabobari doona Fardahan u diyaariyeen, una keenen, isla markaana tabobarkani socon doono saddex bilood oo la siin doono 20-ka faras ee ugu horeeya, wixii ka dambeeyana kuwa kale la tabobari doono.

Taliye Dabagale ayaa sheegay in ay mihiim tahay in la tababaro Fardaha si ay ugu shaqeeyaan Qaranka. “Waxaa ay diyaariyeen konton faras oo yar yar iyo waa weynba leh, waanu u furayna oo waxaanu doonayna inay meeshani noqoto xarunta fardaha, konton imika ciidanka boolisku leeyahay ayaa halkaa jooga, way jareysan yihiin oo waa ay diyaarsan yihiin waad aragtaan, iyaga oo sharaxan oo yaacaya.

Labaatana imika macalimiin cusub ayaanu keenay xadhiga ayaanu ka jarayna waxaa aanu dooneynaa iyagana in la tababaro, wax hawl yar maaha dadka cilmiga u lihi waxaa ay leeyihiin  xabada faraska bil ayaa la tababaraa, waxaanu dooneyna in saddexda bilood ee soo socota labaatanka la tababaro, labaatanka kale ee hadhayna iyagana dib loo tababa baro, hadii ILLAAHEY yidhaaho, marka gabi ahaantood noqdaan kuwa wada jareysan, la fuulo kala baxa, magacyo wanaagsana loo bixiyo oo Qaranka meel weyn oo quruxleh ka galaan, waa sharaf waana ahmiyad aanu siineyno fardaha”

Leave a Reply