Ninkii adduunka ugu da’ weynaa oo geeriyooday

0
626

Nin u dhashay Koonfur Afrika oo la aamminsan yahay inuu ahaa ninka ugu da’da weyn adduunka ayaa dhintay isagoo 116 jir ah.

Dukumiintiyada aqoonsiga Fredie Blom waxay muujinayaan inuu ku dhashay gobolka Bariga bishii May 1904, in kasta oo taasi aanay waligeed xaqiijinin Guinness World Records.

Markuu yaraa, qoyskiisii oo dhan waxaa tirtirey cudurka faafa ee hargabka ahaa 1918 ka dillaacay Isbaanishka. Isaga oo ka badbaaday laba dagaal adduun iyo midab takoorkii Koonfur Afrika.

Mr Blom ayaa BBC u sheegay 2018 in aanay jirin wax sir ah oo gaar ah oo ku saabsan cimri dheeraantiisa.

“Hal shay oo keliya – waa [Eebbe]. Isagu awood buu leeyahay wax kasta. Waxba ma haysto anigu. Waqti kasta waan ka tagi karaa laakiin isagu i daayey”, ayuu yidhi.

Mr Blom noloshiisa inta badan wuxuu ku dhammaystay shaqaalenimo – marka hore beero ka dibna warshadii dhismaha – wuxuuna howlgab noqday kaliya markii uu ahaa da’aadda 80-meeyada.

In kasta oo uu joojiyey cabbitaanka khamriga sannado badan ka hor, wuxuu se ahaa sigaaryo cab aan kala joojin cabbistiisa.

Si kastaba ha noqotee, xannibaadaha la xidhiidha coronavirus-ka ee ay soo rogtay dowladda Koonfur Afrika ayaa lagu soo warramey in aanu awoodin inuu iibsado tubaakada si uu dhalashadiisa 116 sano ugu xuso.

Qoyska Mr Blom ayaa sheegay inuu u dhintay sababo dabiici ah Sabtidii.

“Laba usbuuc ka hor oupa [awoowe] wali wuxuu sii jeexjeexi jirey qoryaha,” afhayeenka qoyska Andre Naidoo ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP. “Wuxuu ahaa nin xoog badan oo isla qab weyn”.

Mr Naidoo wuxuu sheegay in qoysku aysan rumeysneyn in dhimashadiisu ay la xidhiidho ‘Covid-19’.

 

Leave a Reply