WEEDHA WARGEYSKA: Sida aan Qofna u Sheegan Karin Inuu Leeyahay Qof Kale Ayaa Dalalkuna Yihiin

0
459

Waa mar kale iyo muujinta cadho ay waddamada Shiinaha iyo Somalia ka qaadeen xidhiidhka kobcaya ee Somaliland iyo dalka Taiwan.

Hore waa uu uga nixiyay Somalia iyo Jamhuuriyadda dadka Shiinaha markii uu soo shaac baxay heshiisku bilowgii bishii July ee sanadkan. Waxaana ay uga jawaabeen si cadho leh iyaggoo muujiyay in aan midkoodna raali ka ahayn xidhiidh dhexmara cid kale midka uu sheegto.

Shiinaha Wasaaraddiisa arrimaha dibada ayaa ka hadashay markaas hore oo haddalka kululaysay, waxaana ay u dhigtay qaab hanjabaad u eg, iyaddoo markii koowaad caddaysay in ay Somalia u aqoonsan tahay waddan kali ah iyo in aanay u dul-qaadan doonin wixii xad gudub ku ah Shiinaha. Somalia lafteedu iyaddoo aan itaal ay ku hanjabto lahayn haddana tabtaas ayaa ay u haddashay. Laakiin, Markii danbe Shiinuhu wax buu ka yarra bedelay haddalkii, July 6 Shiinuhu waxa uu ka codsaday Somaliland in ay ka noqdaan xidhiidhka ay la sameeyeen Taiwan. Sidaas oo kale waxaa Shiinuhu meesha ka saaray ama ka tirtiray hadal hore ay soo qoreen oo ahaa in Somalia inay tahay hal wadan. Gaar ahaan Safaaradda uu ku leeyahay Djibouti.

Waxaana uu wufuud u soo diray Somaliland, kaas oo lagu gaadhay heshiis ku saabsan in la wanaajiyo xidhiidhka labada waddan.

Bal haddana aan eegno, qaabka ay u hadleen waqtigan. “Aduunka waxaa ka jira wadan kali ah oo Shiine ah ama hal qudha (only one China), Taiwan-na waa qayb ka mid ah dalka Shiinaha. Mabda’a ah hal Shiine (One-China principle) waa mid Caalam ahaan la isla aqoonsanyahay. Waana ka maamulaya xidhiidhada iyo heshiisyada Beesha Caalamka. Shiinuhu waxa uu si xooggan u diidan yahay aasaaska xafiis rasmi ah ama nooc kasta oo ah xidhiidh ay si rasmi ah isku waydaarsadaan Somaliland iyo Taiwan. Weligiina guulaysan maayo isku-dayga werwerka leh ee uu xisbiga DPP (Democratic Progressive Party ee Taiwan) fagaarayaasha caalamka taageerada ugaga raadinayo ficilada gooni-goosadka ah,” Sidaas waxaa ayuu yidhi Afhayeenka u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinuhu 18 kii bisha. Isaga oo daba joogay, Xafiis ka Taiwan ka furratay Hargeysa maalin ka hor.

Geesta kale, qoraal ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya 18 August 2020 ayaa Taiwan lagu weeraray looguna hanjabay. Waxaana maamulka Farmaajo ku dooday in Taiwan ay xad-gudub ku samaynayso waxa ay ugu yeedheen; “madaxbannanida Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Sooomaaliya iyo ku xad-gudbidda sharafka dhuleed ee Soomaaliya.

Intaas uun kuma ay ekeene, waxaa ay kale oo dhalleeceeyeen Xafiiska ay Taiwan ee Hargeysa laga hirgeliyay.

Somalia iyadu weli jawaab ma mudna oo maaha qarran iskii u jirra oo isu maamulla, waxaana weli gacanta ku haysa Qaramadda midoobay. Sidaas darteed, Qallinku ku tiigaali maayo, haddal ka soo yeedhay Farmaajo oo ciidamo aan kuwii Somalia ahayn oo wadamo shisheeye ka socdaa ku illaaliyaan madaxtooyadda Somalia .

Ta kale, dawladda Dadka Shiinaha u hanjabi mayno, waanan ku boggaadinaynaa inay wax ka bedelleen qaabkii ay doorarkii hore u hadlayeen. Marka boggaadintaas laga yimaado, waxaa Qallinku xusuusinayaa mar kale in Jamhuuriyadda Somaliland si la mid ah Taiwan ay buuxisay shuruudaha lagu noqdo waddan sida ku cad go’aamaddii la iskula qaatay shirkii Montevideo ee 1933 ee ku saabsanaa Xuquuqda iyo Waajibaadka Wadan laga doonayo. Horena xor ayay u ahayd iyaddoo aan la qasbinna waxaa ay la midowday Somalia. Xorriyaddeedii ayaanay la soo noqotay. Ta kale, waxaa qallinku leeyahay Afhayeenka wassaaradda arrimaha dibada ee jamhuuriyadda dadka Shiinaha Mr. Zhao Lijian Xusuusnow Qaran iskama sheeggan karro dal dad aanu maamulin ee ka madax-bannaani degan yahay, sidda aanu qof u sheeggan Karin qof kale ee uga soo qaadi karrin hanti uu leeyahay.

Mr. Zhao Lijian, waa og tahay Somaliland saameynta Shiinaha ee Afrika inay baahsan tahay, waxtarna leedahay. Sidoo kale, awood ahaan waa qirsan tahay waxna Somaliland kama qabto xidhiidh dhex marra. Laakiin, taas macnaheedu maaha inay ka tanaasulayso qarranimaddeeda iyo u madaxbanaannida xidhiidhada ay la sameysanayso dunnida kale. Sidaas darteed, Shiinuhu waa inuu Ictiraammo rabitaanka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland. Maankana ku hayno in ay ku gorgortamayso Istiraatiijiyaddeeda iyo khayraadkeedda.

 

Leave a Reply