Wasaaradda Deegaanka Oo Soo Bad-baadisayHarimacad iyo Shabeel

0
875

Hargaysa (Dawan): Wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer Miyiga Somaliland ayaa soo bad-baadisay laba Harimacad oo lagu haystay meel u dhaw magaaladda Ceerigaabo ee gobolka Sanaag.
Labadan Harimacad oo dhallo ah ama aad u yar yar ayaa lagu qiyaasay in ay jireen lana bilood.


Waxaana la sheegay in dadka deegaankaasi ay ku haysteen tuullo u dhaw magaaladda Ceerigaabo.
Kuwaasoo Harimacadkan uga cabsi qabay xoolahoodda.


Soo bad-baadinta Harimacadkan dhasha ah waxaa wasaaradda deegaanka Somaliland gacan ka siisay haayadda CCF Cheetah, oo ka shaqaysa arrimaha ilaalinta duur-joogta.


Sida uu sheegay agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka Cabdi Naasir Axmed Xirsi, oo ka hadlay arrinta Harima-cadkan la soo qabtay.
Agaasimaha ayaa u mahad celiyay dadkii Harimacadkan dhasha ah hayay, oo uu sheegay in ay iyagu si iskood ah wasaaradda ugu soo war geliyeen arrintaasi.
Waxaanu yidhi “Bulsho-waynta reer Sanaag way ku mahadsan tahay inay soo ogeysiiyeen wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta reer Miyiga, oo si iskood ah u soo dhiibeen dhasha Harimacdka.
Waxaan uga mahad celineynaa bulshadu inay daryeelaan dhallaankan, la na xidhiidheen wasaardda deegaanka”.
C/naasir Axmed Xirsi, waxa kaloo uu sheegay in ay wadaan qorsheyaal la doonayo in dadka xoolo dhaqatadda ah lagu tababaro sidii ay duur-joogta dugaagga ah ula noolaan lahaayeen.
“Waxqabadyo cusub ayay wsaaraddu waddaa, si looga caawiyo xoola-dhaqatadu inay la noolaadaan duur-joogta.
Hawlaha noocan ah waxaa ka mid ah tababar xanaanaynta xoolaha, si loo baro maaraynta xoolaha iyo dabeecadda ugaadhsiga xoolaha” ayuu yidhi agaasimuhu.


Geesta kale agaasimaha hadalkiisa si watay ayaa digniin u diray dadka sharci darrada kaga ganacsadda duur-joogta.
Waxaanu yidhi “Wasaardda deegaanku, iyadaa qaranka u xil-saaran ilaalada duur-joogta. Waxaanu ku adkaynaynaa dadka reer Somaliland in ay tahay sharci-darro in la haysto ama la iibiyo duur-joog. Ciddii ay ku caddaataa-na in ay danbiile yihiin, ciqaab mudanna la marin doono”.
Labada Harimacad ayaa loo soo gudbin-doona caasimada Hargeysa, si loo geeyo xarun loogu talo-galay xanaanada duur-joogta.
Dhinaca kale shan maalmood ka hor ayay 5 maalmood ka hor ayay wasaaradda deegaanka Somaliland oo kaashanaysa maamulka gobolka Salal iyo ciidanka booliska ay gacanta ku soo dhigtay Shabeel  dhal ah.

 

Kaasoo la sheegay in buurta Libaaxley laga soo qaaday Shabeelka dhasha ah.
Sidaasina waxaa lagu sheegay qoraal kooban iyo sawirrada Harimacadka iyo Shabeelka oo lagu baahiyay bogga Facebook ee wasaaradda deegaanka Somaliland.


Waxa kaloo la soo qabtay Harimacad sifo sharci darro ah loo haystay.
Masuuliyiinta wasaarada deegaanka ayaa u mahadceliyay haayadaha CCF Cheetah iyo Torrid Analytics oo hawl-galkaas gacan weyn ka gaystay.

Dawannews.com/Hargaysa Office.

Leave a Reply