Maamulka Eryal Tv oo ka Hadlay Xidhiga Wariye Liibaan Cismaan oo Tv-gooda ka Tirsan

0
775

Hargeysa (Dawan) Agaasimaha guud ee Eryal Tv Axmed Khaalid Faarax, iyo madaxa wararka Tv-gaasi ayaa ka faahfaahin ka bixiyay xadhiga Wariye Liibaan Cismaan Cali, oo ka tirsan bahda Eryal.

Agaasimaha guud ee Tv-ga Eryal, mudane Axmed Khaalid waxaa uu sheegay in ciidamada Danbi-baadhista Somaliland, ay u keenen waaran qabasho, islamarkaana lagu xidhay xarunta Danbi baadhista Somaliland.

Waxaa uu Agaasime Axmed xusay in taliyaha ciidanka danbi-baadhista Somaliland uu si fiican u la dhaqmay, kadib markii ay booqasho ugu tageen wariyaha Tv-gooda ka tirsan ee ku xidhan xarunta Dabi-baadhistu.

Sawirka Agaasimaha guud ee Tv-ga Eryal, Axmed Khaalid Faarax, oo ka hadlay xadhiga wariye Liibaan Cismaan Cali, oo ka mida bahda Tv-ga
Sawirka Madaxa wararka Tv-ga Eryal Cabdiraxmaan Cabdillaahi, oo isna si kooban uga hadlay xadhiga Wariye Liibaan Cismaan Cali, oo ku xidhan xarunta Danbi-baadhsita ee magaalada Hargeysa

Halkan ka Daawo

Leave a Reply