Mar Kasta Badbaadin Samee!

0
563

Nin cabqariya oo Caqli badan (Wiseman) ayaa fadhiistay webiga dhiniciisa isagoo quruxdiisa daawanaya,  ayuu arkay Dabaqalooc biyaha ku haftay.

Markii uu gacantiisa kaga soo saar is yidhi wuu qaniinay oo dib ula soo booday ganactiisa. Wax yar ka dib ayuu haddana mar labaad isku deyay inuu ka soo qabto, laakiin wuu qaniinay oo isagoo qaylinaya kala soo booday.

Ilbidhiqsi ka dib ayuu isku deyay inuu mar sadexaad badbaadiyo. Laakiin nin agtiisa fadhiyay ayaa ku qayliyay oo ku yidhi “Ninkaagan xakiimka ahi waad isku dayday inaad badbaadiso bahalka oo mar kasta wuu ku qaniinayaa iska dhaaf  markan sadexaad?

Laakiin ninkii caqliga badnaa ayaa ugu jawaabay isagoo gacantiisa ku sii wada biyaha “ Dhaqanka daba qaloocu waa inuu wax qaniino, aburka aadamiguna wuxu waafaaqsan yahay inuu badbaadin sameeyo. Laakiin Markii ugu danbaysay wuu ku guulaystay inuu badbaadiyo waxana uu yidhi “  Guusha waxa lagu gaadhaa dadaal iyo adkaysi”.

Leave a Reply