Guushu , Waa Adkaysi Iyo Dadaal Joogto Ah!

0
575

King khudbadiisu waxay ahayd mid uu codkiisa kor u qaaday oo qaylinayay isla markaana ay ka buuxeen weedho rajo gelin ah iyo tartan inay cadaanka la galaan ah oo aanay dadka madoobi isku arkin kuwa ka hooseeya, iyo in aanay is xaqirin isla mark,aana aanay dawarsan higsigooda.

 

Khudbadaasi waxa dhegasanayay dad ka badan 250 kun oo qof oo Maraykan ah waxayna ahayd mid ka qotontay in dadka Maraykanku ay gaadhaan halka ugu saraysa xuquuqda rayidka.

Waxaana uu khudbadaasi ku sheegay in dadka madoobi aanay weli helin xuquuqdii ay lahaayeen xataa iyadoo 100 sano ka danbeeyeen markii la joojiyay is adoonsigii.

 

Kicintaasi iyo khudbadaasi ka dib kumanaan qof oo muwaadiniin Maraykan ayaa ka qayb qaatay socod ay kaga cabanayeen xuquuqda madaminga, waxaana la kulmay Madaxweynihii Maraykanka ee waagaasi Jhon F. Kendy horjoogyaashii dhaqadhaqaasi waxaanu uu ku taageeray xarakadaasi in iclaamiyo qaynuunka xuquuqda madaniga ah ee muwaadinku leeyahay (Civil Rights).

Markii arinkaasi u hirgelay wakhtiyadii danbe wuxu waday ololaha la dagaalanka saboolnimada, sanadkii 1967 wuxu ku biiray isbahaysigii ka soo horjeeday dagaalkii wakhtigaasi Maraykanku ka waday Fiidnam (Vietnam) kaasi oo la odhan isbahaysiga “Beyond Vietnam.” Maxa ka danbeeya Fitnam? .

Bishii April 4, sanadkii 1968 ayaa la dilay isagoo  da’dsiiu tahay 39 sano.  Dhakhaatiirta ayaa sheegay in maskaxdiisa markii la eegay ay la mid ahayd sida qofka da’diisu tahay 60 sano , taasi oo ay sabab u ahayd halgankii joogtada ah.

 

Leave a Reply