Xildhibaan Ka Tirsan Guurtida JSL Oo Soo Jeediyey In La Maalgeliyo Farsamo Yaqaannada Dalka

0
720

Hargeysa (Dawan)-Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan (Ilkacase) oo Ka tirsan mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa ka hadlay xaalada Farasamada Gacanta ee dalka.

Xildhibaanka ayaa sheegay in ay dayacanyihiin dadka farsamayaqaanada ah, isla markaana loo baahanyahay in dadkaasi la garab istaago oo la tayeeyo farsamadooda korna loo qaado, isaga oo Xukuumadda iyo ganacsatada waaweyn ee dalka u soo jeediyay inay maalgeliyaan dadka leh xirfadaha farsamo.

Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan (Ilkacase) waxaa uu sheegay in wakhtigan loo baahan yahay in kor loo qaado wax soo saarka beeraha dalagyada muhiimka ah ee bulshadu aanay ka maarmayna la beero, sidoo kale waxaa uu xildhibaanku ku baaqay in xoolaha nool ee dalka loo raadiyo suuqyo cusub oo caalamiya isla markaana xoolaha aynu u iibgeyno, isaga oo Xildhibaanku intaas ku daray in hadii arrimahaas la sameeyo ay wax wayn ka bedelayaan dhaqaalaha dalka iyo nolosha bulshada.

Leave a Reply