Dawladda Taiwan oo Bilowday inay Fiisayso Basaboorka Somaliland

0
591

Hargeysa-(Dawan)-Xafiiska ay dawladda Taiwan  dhawaan ka furatay caasimada Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa qaaday tallaabo uu ku xoojinayo xidhiidhka Somaliland uguna quus goynaayo Dawladda Xamar.

Xafiiska Taiwan ee Hargeysa ayaa  bilaabay inuu bulshada reer Somaliland ee u safreysa Taiwan u fiiseeyo Baasaboorka Jamhuuriyadda Somaliland .

Taiwan ayaa tiro dad ah oo u badan ganacsato u fiiseysay baasaboorka Somaliland, taasi oo kordhinaysa dalalka dal ku galka siiya Somaliland Sida : Itoobiya, Imaraadka Carabta, Turkiga ,Zambia, Jabuuti iyo Dalal kale oo ka mida Yurub iyo Afrika.

Dowladdaha Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa hore uga biyo diiday xidhiddhka iskaashi ee Somaliland iyo Taiwan, kaasi oo horseeday in labada dhinac ay is weydaarsadaan wakiillo, iyaga oo xafiisyo diblumaasiyeed ka kala furtay Hargeysa iyo Taipel

Leave a Reply