Golaha Wakiilada oo Meel Mariyay Xeerka la Dagaalanka Kufsiga

0
445

Hargeysa (Dawan) Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland  dood adag oo maalmo socotay ka yeeshay xeerka xakameynta kufsiga, xeerkaas oo markii labaad golaha la hor keenay, ayaa mudanayaasha golaha wakiilladu qodob qodob isu dultaageen.

Fadhigii shalay ee golaha wakiillada Somaliland oo ay ka soo xaaadireen  44 Mudane ayaa qodob qodob ugu codeeyay 43-qodob ee uu xeerkani ka kooban yahay, kuwaas oo wax ka bedel iyo kaabis lagu soo sameeyay.

Guddoomiyaha golaha wakiillada mudane Baashe Maxamed Faarax oo ku dhawaaqay natiijadii xeerka lagu ansixiyay ayaa sheegay in xeerkaasi ansax yahay goluhuna waajibkiisi ka gutay.

Geesta kale, guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland mudane Baashe Maxamed Faarax waxa uu xildhibaannada golahaas ku wargeliyey in maalinta sabtida ah ee todobaadka dambe golaha la horkeeni doono xeerka doorashooyinka Qaranka.

Guddoomiyaha oo arrimahaasi ka hadlayana waxaa uu yidhi ”Soddon xildhibaan ayaa ogolaaday, sagaal xildhibaan waa diideen, shan waa ka aamuseen, gudoomiyuhuna muu codeyn xeerku sidaasi ayuu ansax ku yahay”

Leave a Reply