Wasiirka hawlaha guud oo daahfuray Mashruuca Nashaqadaynta Magaalada Ceerigaabo

0
411

Ceerigaabo (Dawan)-Munaasibadda daahfurka barnaamijka Town plan-ka magaalada Ceerigaabo waxa kasoo qayb galay maamulka Sanaag iyo  masuuliyiinta degmada Ceerigaabo.

Ugu horayn waxa halkaa ka hadlay Meeyarka Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur kaas oo soo dhaweeyay mashruuca nashaqaynta magaalada Ceerigaabo.

Waxa sidoo kale  halkaa ka hadlay xubno isugu jiray Xildhibaano, Madax dhaqameed, Saraakiil iyo Farsamo yaqaano ka socday wasaaradda Hawlaha guud kuwaas oo dhamaan tood soo dhaweeyay mashuuracaas iyaga balan qaaday inay la shaqayn doonaan wasaaradda intuu mashruucu socdo.

Guddoomiyaha gobolka Sanaag Eng Axmed Cismaan Xasan ayaa dhinaciisa ballan qaaday inay  maamul ahaan kaalin Libaax ka qaadan doonaan taabo galinta mashruucaas.

Wasiirka hawlaha guud dhulka iyo guryeynta Cabdirashiid Xaaji Ducaale (Qambi) oo ugu dambayn furay mashruuca nashqadaynta magaalada Ceerigaabo waxa uu sheegay in mashruucaas wax wayn ka beddeli doono qaabka magaalada isagoo xusay guud ahaan gobolada dalka inay ka hirgalin doonaan.

Leave a Reply