Guurtida oo Xukuumadda ugu baaqday inay soo Celiso Dhulka danta guud

0
546

Hargeysa (Dawan)  Golaha Guurtidda Somaliland ayaa dood adag ka yeeshay deegaanka iyo xaalada uu ku sugan yahay, islamarkaana ka dayriyay dhul-daaqsimeedkii la wada laha oo sifo sharci-daro ah lagu ootay.

Waxaa kale oo mudanayaashu ka hadleen nabaad guurka ay degaanka ku hayso Bacdu,  iyaga oo tilmaamay in degaanku dhimanayo hadii aan wax laga qaban halista Bacda.

Dooda golaha guurtidu ka yeeshay degaanka oo aheyd mid aad u dheer, ayaa xukuumadda ugu baaqay in wax laga qabto dhulka ka baxay gacanta dawlada ee sida sharci-darada dadku u kala sheegayaan, laga ootay xoolihii daaqilaha waxna aan laga beerin.

Xildhibaan Sheekh Cabdiraxmaan Cismaan Jaamac  ayaa xukuumadda ku adkeeyay in ay soo celiso dhulka dawlada ee sifaha sharciga baalmarsan oo qaatay loona diiday xoolihii “Waxaan soo jeedinaya dhulka halag soo celiyo gacantii dawladda, sida mudanayaashu sheegeen tallo Qaran halaga yeesho waa sidan lagu noolaanmaaye, dawladu dhulkii hala soo noqoto, Miyi iyo magaalaba, waxaan tagey ila Xarshin meel kaliya oo aad awr ku dudaa ma jirto, xoola joogana ma jirto wax laga qabtay ma jirto, mudda yar dabadeed waxba inagu hadhi maayaan, dawladu dhulka hala soo noqoto dawlad aan dhul laheyni maaha dawlad, oo dawladu dhulka gacanta haku qabto, oo dadka haw qaybiso oo qofkii manaafacaad soo saaraya ha siiso”

Xildhibaan Caydiid Cabdi Maxamed ayaa sheegay in isha dhaqaale ee Somaliland leedahay ay yihiin xoolaha islamarkaana loo baahan yahay in dhulkii xooluhu daaqilahaayeen dawladu qorshe ka yeelato. “Deegaankii in la soo nooleeyo ayuu u baahan yahay, Seerayaashi Xooluhu ku baxsan jireena in la soo nooleeyo, anigu waxaan soo jeedinaya tallo ma hadhsane intaa goluhu yidhi in lagu dhaqaaqo oo fulinta loo geeyo oo ay fuliso.

Dhaqaale kale malihin dhaqaalaheenu waa xoolaha nool, xoolihiina maanta sagaal dhibood ayaa heysata Baddi waatan laga soo celinayo oo xoolaheeni waa ay baaba’ayaan, qudhunkoodi ayaa is tuulay, dibadna ma heystaan dadkii waxba beeran maayaan sababto ah Tamaandho Xabuubtii ayaa la inoo soo dejinayaa maalin dhaweyd ayaa la yidhi Itoobiya ayaa rabshado ka dhaceen oo Tamaandho xabuubtii ayaa la waayay, waligey ismaan odhan wax kale mooyaane Tamaandho ayaydun waayi”

“Dawlada wanaag ayaynu dooneynaa, dawlad wanaagu waxaa uu keenaya dad wanaag, dad wanaagu waxaa uu keenaya deegaan wanaag, waxba yaan lagu wareegaysan waddo ayaa jeexan iyo halkan ayaa jeexane dawlad wanaag ayaynu u baahanahay taasi ayaana keeni karta deegaan fiican iyo dad fiican”Ayuu yidhi Xildhibaan Axmed Dirir Cali kana mida mudanayaasha golaha guurtida Somaliland.

Leave a Reply