Ururka Qareennada oo Kaalmo sharci u balanqaaday Dadka lagu dhibaateeyo Adeegyada Caafimaadka

0
486

Ururka Qareennada Somaliland, ayaa sheegay in ay Kaalmo sharci u fidinayaan Haween maalmihii u dambeeyey warbaahinta cabashooyin mariyey, kuwaasoo ku doodday in loo geystay dhibaatooyin loogu xad-gudbay qalliin uu ku sameeyey Cisbitaalka Gargaar oo ay u doonteen adeeg Ilmo-beeris ah.

Guddoomiyaha Ururka Qareennada Maxamed Maxamuud Xaashi (Timo) oo ay weheliyaan Xubno kamida qareennada Ururkaasi oo maanta wariyeyaasha kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa shaaca ka qaaday in markii ay derseen dhibaatooyinka dadweynaha loogu geysto goobaha adeegyada caafimaadka bixiya ay go’aansadeen in ay dadka waxyeellada lagula kaco ka caawiyaan dhinaca sharciga, si qofkii dhaawac amma dhib la mida loogu geystaa u helo dariiq uu kaga dacwoodo.

Guddoomiyaha Ururka SOLA waxa uu taxay cabashooyin tiro badan oo laga soo gudbiyey goobaha caafimaadka ee gaarka loo leeyahay, gaar ahaan waxa uu soo qaaday qadiyada Haween soddomeeyo ah oo todobaadkan warbaahinta ka sheegay cabasho culus oo ay ka bixiyeen adeeg ay ku micneeyeen faalso oo uu u fidiyey Cisbitaalka Gargaar.

Halkan ka Daawo Muuqaal:

Somaliland, inta badan xarumaha caafimaadka ee gaarka loo leeyahay, ayaa waxa dadweynuhu ka qabaan cabashooyin ku saabsan adeeg xumo iyo waxyeello nafeed oo ay kala kulmaan xilliyada qaar.

 

Leave a Reply