Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo Xadhiga Ka Jaray Waddo ay Hirgelisay Dawladda Hoose Ee Boorama

0
528

Hargeysa (Dawan)-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) ayaa xadhiga ka jaray waddo ay hirgelisay dawladda hoose ee degmada Boorama.

Waxaana munaasibadii xadhig ka jarkaas goob joog ka ahaa wasiirrada wasaaradaha horumarinta caafimaadka, dhallinyarada iyo ciyaaraha, Cadaaladda iyo arriamah garsoorka, wasiir ku xigeenka waxbarashada iyo Sayniska maamulka gobolka Awdal, ka degmada Boorama iyo masuuliyiin kale.

Ugu horeyn waxa halkaas ka hadlay maayarka degamada Boorama Saleebaan Xasan Xaddi, oo sheegay in ay waddadaasi tahay tii ugu dambaysay ee ay hirgeliyaan ka dawlad hoose ahaan, isaga oo intaas ku daray in laga maalgeliyey mashruuca JPLG ee dawladaha hoose.

Masuuliyiintii kale, ee goobtaas ka hadashay ayaa dhamaantood tilmaamay muhiimada ay waddadaasi leedahay, iyaga oo bogaadiyey dawladda hoose ee degmada Boorama iyo mashruuca JPLG ee laga hirgeliyey waddadaas.

Sidoo kale, madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland mudane,  Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo xadhiga ka jaray waddadaas ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay waddadaasi ka qaadanayso isu socodka bulshada, isla markaana bogaadiyey dawladda hoose ee degmada Boorama, wuxuuna tilmaamay in ay horumarka gobolka ka qayb qaadanayso.

Leave a Reply