Madaxweyne Muuse Biixi oo si Dadban u Muddeeyey Waqtiga ay Qabsoomi Karaan Doorashooyinka Somaliland

0
719

Madaxweynaha oo sheegay in Golayaasha Guurtida iyo Wakiilladu ay kuraasta ku fadhiyaan muddo-dhaaf aan macquul ahayn oo ayna xaq ugu lahayn Somaliland

HARGEYSA– Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa si dadban u muddeeyey in doorashooyinka isku-sidkan ee Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Degaannadu ay dalka ka qabsoomi karaan dhammaadka bisha Ramadaan oo bilawgeedu ku beegan yahay tobanka dhexe ee bisha April, dhammaadkeeduna yahay tobanka dhexe ee bisha May 2021, haddii Ilaahay yidhaahdo.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo khudbad dheer oo dhinacyo kala duwan leh ka jeediyey kulan uu haweenka KULMIYE kula qaatay xarunta xisbiga talada haya ee Caasimadda Hargeysa shalay isniintii, waxa uu sheegay in doorashooyinka oo si joogto ah waqtigooda ugu qabsooma ay Somaliland u horseedi karaan dowladnimo la mahadiyo iyo mustaqbal fiican.

“Doorasho ayaa maanta imanaysa, doorashadaasna waxa aan jecelahay ramadaanta haddii ay maalmaha ugu dambeeya  dhaafto in aanay innagu dhaafin, waayo haddii aynu doonayno in uu dalku hore u maro oo aynu ubadkeenna uga tagno dowlad ay mahadiyaan iyo mustaqbalka dambe ee Somaliland-ba, wixii la soo maray ee ay bani’aadamku soo tijaabiyeen ayuun baynu maraynaa oo meel cusub  oo kale mari kari mayno, taasina waxay tahay in talada dalka la wadaago. Maxaa talada dalka lagu wadaagi karayaa? Waxa lagu wadaagayaa in shantii sanno hal mar ay doorashadu dhacdo markii lagu ballammay. Haddii koox la doortay ay tidhaahdo; “dhici maayo oo inta aan doono ayaan joogayaa” lagu heshiin maayo, dowlad ku noqon mayno, waynu isku qabsanaynaa oo dib ayeynu ugu dhacaynaa, maantana tii ayaa ina hortaala,” ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi.

Waxaanna muuqata inay dhinac iska waafaqsan yihiin hadalkan Madaxweynaha Somaliland uu sida dadban ugu iftiimiyey waqtiga doorashada iyo jad-walka ay Komishanka Doorashooyinku soo saareen maalintii Axadda ee ay taariikhdu ahayd 23 August 2020, iyagoo Komishanku caddeeyeen inay u baahan yihiin ugu yaraan muddo 9 bilood ah oo ay ku dhammaystiraan hawlaha doorashooyinka, taasoo muujinaysa in doorashooyinku qabsoomi karaan badhtamaha sannadka soo socda ee 2021 (Insha Allaah).

Waxa kaloo Madaxweynuhu wax aan la aqbali karin ku sifeeyey muddo-dhaafka aan macquulka ahayn ee ay ku fadhiyaan Golayaasha Guurtida iyo Wakiilladu, waxaannu yidhi;

“Ma dhacayso dimuqraaddi ayaan ahay, golahana dhaxal ayuu ku soconayaa. Golaha Guurtida ee la doortay kuwii Mado-wayn lagu doortay oo ah muddo ku dhaw 40 sanno ayaa jooga, (xildhibaankii dhintayna) inankiisa ayaa dhaxlay, haddana kii labaad ayaa dhaxlay. Kumaynaan heshiin, halgankana umaynaan gelin in la abuuro boqortooyo qof ah oo ah qof dhaxla qof kale, waana doorasho xor ah oo xilka mar ayaa qofka lagu tijaabinayaa, waana la beddelayaa, xilka ka helaana waa inuu aqbalo, waana khasab, lala kala xishoon maayo, la isugu tudhi maayo, xilkuna dadka ayuu ka dhexeeyaa ee qofku waqtigii loo dhiibay waa inuu soo celiyaa. Shan sanno ayeynu dooranay golayaasheenna oo dhan, golaheenna Baarlamanka (Golaha Wakiillada) lala kala baqan maayo  oo lala kala xishoon maayo ee waar 15 sanno xaq nooguma lihidin, shan sanno ayaannu idin doorannay oo haddii aad wax wanaagsan qabateen waad ku ammaanan tihiin oo taariikh ayaad yeelanaysaan, haddii aydaan wax wanaagsan qabanna dhaliisha ayaad leedihiin, laakiin qaar kale ayaa la tijaabinayaa, Dowladaha Hoose waa la mid, Madaxweyneyaashuna waa la mid ee horta waxa aynu doonaynaa in aynu xaqiijino waqtigii la doortay in aynu doorashada waqtigeedii soo celinno, si loogu tijaabiyo kolba qofka wanaagsan oo aanay fawdo dhicin oo aannu isaguna kursiga ku muuso-naabin, mid kalena ku raacin, waayo kan la dooranayo waa isku mid uun oo qof ayaa la tijaabinayaa, marka la tijaabinayo ayuun baa la yaqaan maxaad ka tagtay?, waana qodob oo waqtigoodii ayaa jooga labadaas goleba (Guurtida iyo Wakiilladu) waa muddo-dhaaf aan macquul ahayn, golayaasha Dowladaha Hoose-na waa la mid, markaa doorasho ayeynu gelaynaa, doorashada Golaha Guurtidana waa loo heli waddadii lagu dooranayey, waxayna u baahan tahay marka aynu wax dooranayno aynu si wacan wax u doorano, qiyaasta aynu dooranayno aynu isla helno, qofkaasi shaqadaas inuu yaqaanno ha la eego.”

Madaxweyne Muuse Biixi, waxa uu sheegay in doorashooyinkii u dambeeyey ay xisbiyada qaranku dar-jiidheen xiliyadii lagu jiray ololaha, isagoo xusay in xisbiyadu ku ololeeyeen hadallo ah cay, colaad iyo waxyaabo ficiltan ah lid ku ahaa dhaqanka iyo wax-isku-ahaanshaha dadka Somaliland, waxaannu ku baaqay in doorashooyinka soo socda laga waayo-arko arrimaha noocaas ah, loona tartami si walaaltinimo iyo wanaag ku salaysan.

“Dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka oo innagu cusub, halkan markii aynu doorashooyinka gelaynay waynu dar-jiidhnay oo haddii xisbiyada la yahay waa la dar-jiidhay, waana dhaqan aynaan aqoon oo waxa dhacday in markii makarafoonka la qaatay in aynu tartankii u qaadanay cay, colaad, dadka oo la isku bahalo-geliyo iyo ololaha xanaftiisii oo si aan ilbaxnimo ahayn loo adeegsaday, waxaanan weliba leeyahay doorashadan soo socota haddii aynu KULMIYE nahay aynu ka waayo-aragno oo ka UCID jooga iyo ka WADDANI joogaa waa walaalkaa ee aynu tartanno sida ay ardaydu imtixaanka ugu tartanto, aynu ku tartanno sida shax loo wada ciyaaro ee aayar uun faraha boodhka la iskaga tiro,” ayuu yidhi Madaxweynuhu.

Waxa kaloo uu intaas raaciyey; “Yaynaan dhaqankeennii, walaaltinimadeennii iyo dadnimadeennii ku xad-gudbin.”

Khudbadda Madaxweynaha oo dhammaystiran halkan ka daawo

https://www.youtube.com/watch?v=KYnP6jFXD8o

Leave a Reply