Musharax soo Dhaweeyay Go’aankii Xisbiyada iyo Guddida Doorashooyinka

0
510

Hargeysa (Dawan) Cabdillaahi Maxamed Gaaxnuug Aar, oo ka mida musharaxiinta ku dhawaaqay inay u tartamayaan isla markaasina u taagan yihiin doorashada golaha deegaanka ee caasimada Hargeysa, ku hanbalyeeyay mudaynta doorashooyinka isku sidkan ee golayaasha deegaanka iyo wakiilladda.

Dhanka kale waxaa uu tilmaamay inay qaabka ay u socotaa ay aad uga duwan tahay mudo kordhimahii hore madaama oo dhammaan dhinacyada xukuumadda iyo xisbiyada Qaranka oo ay ku lamaan yIhiin koomishanku ay isku raaceen wakhtiga la qabano doorashadda.

Hadaba Musharax Cabdillaahi Maxamed Gaaxnuugoo isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi. “Waxaan soo dhaweynayaa isla markaasina aan halkan ka Hambalyaynayaa, mudayntii loo sameeyay doorashadii golayaasha deegaanka iyo barlamaanka, taas oo muddoyinkii hore ee la kordhin jiray ama loo qaban jiray wakhtiga doorashada kaga duwan, in xisbiyadii qaranka, xukuumaddii iyo koomishankii doorashooyinkuba ay isku raacsanyahiin in doorashada wakhtigeeda 9 bilood gudahood lagu qabto, intaa ka horeysana loo diyaar garoobo qabsoomidii doorashada waxyaabahii ka horeeyay sida diiwangalintii codixiyayaasha”

Musharaxa oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu xusay in isaga iyo musharixinta kaleba ay muddo badan sugayeen sidii doorashadu u dhici lahayd isla markaasina ay samir badan u muujiyeen sugida doorasho laysku wada raacsanyahay dhinac walba waxaanu yidhi. “Anaga aad ayay noogu raagtay oo 5 shan sannadood ayay ragga qaar ku maraysaa musharaxnimadu, raga qaarna 11 sannadood ayay ku maraysaa, ragga qaarna 9 sannadood ayay ku maraysaa intaaba maalinba maalinta ka danbeysa ayaa lays lahaa malaha maantay ugu dhawdahay, intii hore kamaanan hadal lakiin waxaan maanta uga hadlaynaa hannaanka iyo wada socodka iyo qaab dhismeedka imika loo dhigay ayaa waxa uu kaga duwan yahay kuwii hore waa ku laysku wada kalsoon yahay oo lagu wada socdoo, dhinac looga soo wada jeedo ayuu yahay, markaa waan hambalyaynaynaa waanan soo dhaweynaynaa”

Waxaanu sidoo kale dhamaan shacabka Somaliland ku dhaqan ugu baaqay in ay diyaar garoow ka sameeyaan doorashada isla markaasina ay intii aan qaadan kaadhadhka codbixintu ay is diiwaangaliyaan si ay uga mid noqdaan xubnaha codbixiyayaasha “Shacbiga waxaan leeyahay u diyaar garooba doorashadii 9-bilood gudahood ayaay ku dhacaysaa diiwangalintii codbixiyayaasha ayaana ka soo horeysa oo la bilaabayaa, meel kasta oo ay joogaan shacabka reer Somaliland waxaan leeyahay wixii aan hore kaadh u qaadan kaadhkaa ha qaataan oo ha u diyaargaroobaan inay ka mid noqdaan codbixiyayaasha, walaalahayga musharaxiinta sidaydana waxaan leeyahay ka diyaar garooba oo ka qeyb qaata qabsoomida doorashada wixii dhinaciina ahaa”

Leave a Reply