Dufcaddii 17aad oo ka Qalin-jebisay Jaamacada Hargeysa+ Sawiro

0
514

Hargeysa-(Dawan)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse  Biixi Cabdi ayaa ka qeyb-galay Xafladda qalin-jebinta Jaamacada Hargeysa oo Dufcaddii 17aad ay ka baxeen  1,290 Arday  oo dhammaatoodba dhamaystay Kulliyadaha kala duwan ee Jaamacadu bixiso.

 

Munaasibadan oo ay kasoo qeyb-galeen Masuuliyiinta axsaabta qaranka Somaliland, Diblumaasiyiin, xubno kamida Baarlamaanka Somaliland, maamulka Jaamacada Hargeisa iyo Waalidiin tiro badan ayaa laga jeediyey khudbadbado kala duwan, kuwaasi oo isugu jiray dardaaran duco iyo hambalyo ku socday ardayda qalin-jebinaysay.

 

Hoggaamiyayaasha Xisbiyada Siyaasada ee Waddani, UCID iyo Kulmiye ayaa ardayda ugu hambalyeey guusha ay ka gaadheen hayaankoodii Waxbarasho , waxanay duco u direen Waalidkii iyo Macalintii geliyey juhdiga si ay u gaadhan halka ay Maanta joogan.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse  Biixi Cabdi oo halkaasi ka Jeediyey Khudbad dhinacyo badan taabanaysa ayaa ugu horayn Hambalyo iyo duco  u diray ardayda qalin-jebisay “Waa maalin weyn oo farxad leh oo kun iyo saddex boqol ku dhawaad (1290) dhalinyaro ah oo Cilmi ku Gashaaman kusoo kordheen Cudduda Shaqaalaha iyo Cudduda Difaaca dalka iyo Cudduda bahda Caafimaadka ee Cudurada la dagaalanta ee ay Jaamacada Hargeysa soo diyaarisayna waa Illaahay mahadii mar labaad baan ugu tahniyadaynayaa”

 

Madaxweynaha ayaa bulshada kula dardaarmay in loo baahanyahay in danta guud laga wada tashado si loo gaadho halka qaranku higsanaayo “Waxaynu u baahanahay inaan ka tashano danteena innaga oo is tilmaamayna, waxaa hubaala tacliinteenu halka aynu doonayno iyo meel u dhow midna inaanay joogin ayaa xaqiiqo ah, dhammaanteen waxaa looga baahan yahay sidee halkaa u gaadhsiinaa, maanta dalkeena inta Banii-Aadamku  raadinayo ayaa taalla Cadceedaa ugu wanaagsan oo adduunku kala badh oo badh Cadceed bay la’ayihiin, Ciid wanaagsan bay la’ayihiin, Roob bay la’yihiin intaaba Illaahay waa innagu manaystay, Ilaahay wuxuu innagu manaystay in la hubiyey in dhulkeena Baatrool ka buuxo oo macdanta qaaliga ah ee dahabku ugu horeeyaa meel dhaw oo aan qodis badan lahayn  ku jirto oo hubaala,  Shirkadaha caalamka oo dalkasta oo adduunka kamida iyo shirkadkasta oo baatrool baadha iyo mid Macdan baadhaba waa ina dul taagan tahay”.

 

 

Leave a Reply